Ceergaabo(ANN)Weftigii uu hogaaminayay Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Maxamed Xoog iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo  Ilhaan Maxamed Jaamac, ayaa maanta kulamo xog waran ah la yeeshay Isu-duwayaasha wasaaradaha 

 gobolka Sanaag iyo taliyayaasha ciidammada Bilayska.
Weftiga wasiiradda eek u sugan xarunta gobolka Sanaag ee Ceergaabo ayaa  warbixino ku saabsan xaalada hay’adaha dawladda ee dhinaca amaanka iyo adeegyada caafimaadka  ka dhegaystaysteen masuulliyiinta kala duwan ee ay la kulmeen.

Taliyaha Qaybta Bilayska gobolka Sanaag C/risaaq Yuusuf Maxamuuud (Casayr) oo ka war bixiyey xaalada nabad galyada gobolka ayaa  sheegay in aanay jirin wax nabadgelyo daro ah oo xiligan ka taagan gobolka.

Sidoo kale Isu-duwaha Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada Marwo Faadumo Xaaji Xasan Axmed oo soo dhaweysay weftida ayaa iyana warbixin kooban halkaa ka jeedisay, waxaanaay ballanqaaday inay si fiican ula shaqayn doonto masuulliyiinta cusub ee wasaaradda.

Gudoomiyaha GobolkaSanaag Cali Cabdi Hurre oo isna dhankiisa wefdiga uga waramayay xaalada gobolka  ayaa ku  tilamaamay masuuliyiinta gobolka ee Ha’yadaha dawlada iyo isu-duwayaasha inay   yihiin kuwo u heelan shaqadooda, balse  waxa  uu xusay inaanay wasaaraddo badan lahay xafiisyo ay shaqadooda ku gutaan.

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada Marwo Ilahaan Maxamed jaamac oo u mahad naqaday isu-duwayaasha wasaaradaha ayaa  kula dardaarantay  inay isku duubnaadaan dalkoodana si weyn ugu shaqeeyaan, isla markaana  isu duwa kastaa si toosa ula xidhiidho wasiirkiisa iyo wasaaradda uu ka tirsan yahay.
Gebagebadii kulankaa Wasiirka wasaaradda Caafimaadka  Dr. Xuseen Maxamed Muxumed (Xuseen-xoog) ayaa  u mahad celiyey isu-duwayaasha oo uu kula dardaarmay inay iskaashadaan,  wadashaqeeyaan, isla markaana  u diyaar garoobaan horumarinta gobolkooda. Sidoo kalena ay  dhawaana u diyaar garoobaan 6bilood oo ah waxqabadka xukuumada cusub iyo qorshaha ku xiga boqolka maalmood.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *