Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayay, ayaa galabta ka degey gegida Diyaaradaha ee Djibouti, halkaas oo ay  kusoo dhoweeyeen  dhigiisa Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle Marwadiisa Khadra

Maxamuud Xayd iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumada Djibouti, iyadoo ay boqolaal dadweynaha Reer Djibouti oo ruxaya calanka Somaliland ka qayb qaateen soo dhoweynta wefdiga Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
 Soo dhoweynta Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefdigiisa ee dalka Jibouti ayaa noqonay tii ugu horaysay ee wefdi ka socda Somaliland oo booqday dalkaa  oo hab-maamuuskaa lagu soo dhoweeyo intii ay Somaliland jirtay, taas oo ay shacbiga Somaliland si weyn ugu guuxeen markii ay caawa ka daawadeen Telefishanka Djibouti oo laga sii daayay wefdiga Madaxweynaha Somaliland oo Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Marwadiisa Khadra Maxamuud Xayd galabta kusoo dhoweyeen Madaarka dalkaa, iyadoo caleemo qoyan lagu soo dhoweeyay, isla markaana xidhmooyin Ubax ah la gudoonsiiyay.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo loo dhigay Roogga cas, islama markaana madaarka loogu diyaariyay Kooxda baanboyda  ayaa   halkaas oo laga gelbiyay,  iyadoo gaadhi khaas ah laga saaray madaarka, isagoo     markiiba kulan kula yeeshay dhigiisa qolka martida ee madaarka kadibna loo gelbiyay  qasriga madaxtooyadda Djibouti, iyadoo ay kulamada ay la yeelayaan wefdigu masuuliyiinta dalka jibouti maalinimada beri bilaabmayaan sida laga baahiyay Telefishanka Djibouti.
 Socdaalka Madaxweyne Silaanyo ku tegay dalka Djibouti waxa ku weheliyay Wasiirka Arrimaha Debedda Maxamed Cabdillaahi Cumar, Marwada koowaad ee Madaxweynaha Marwo Aamina Maxamuud Jirdeh, Wasiirka Ganacsiga, wasiirka Ciyaaraha, Guddoomiyaha Baanka Cabdi Dirir Cabdi iyo Afhayeenka Madaxweynaha Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse). Madaxweynaha ayaa intii aanu ka bixin madaarka Cigaal Airport ee magaalada Hargeysa waxa uu salaan-sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidammada qaranka, waxaana madaarka ku sii sagootiyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici iyo xubno ka tirsan golaha Wasiiradda.
Dawlada Djibouti ayaa cilaaqaadka siyaasadeed ee ay la leedahay Somaliland ahaa mid aan cago badan ku taagnayn, iyadoo xukuumadii tan ka horaysay ka heshay debecsanaan ay daneheeda oo keliya kaga fushato, taas oo ay xisbiga xukuumadda maanta ee Somaliland oo waqtigaa ahaa xisbiga ugu weyn mucaaridku si weyn u dhaliili jiray siyaasadaha ma dhalayska ah ee xukuumadii Rayaale kula dhaqanto Djibouti oo si weyn uga soo horjeeda qadiyada Somaliland, balse xiliyadii danbe markii ay soo dhowaatay doorashadii Madaxtooyada Somaliland waxa jiray isbedel dhinaca siyaasada iyo xidhiidh dhexmaray xisbiga xaakimka maanta ee uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo hogaamiyo iyo Djabouti, taas oo muujisay inay djaboiti u gogol xaadhayso isbedel ka dhaca Somaliland, isla markaana ay  diyaar u tahay inay la macaamisho xukuumadda cusub ee Somaliland oo ay wax ka bedesho mawqifkeedii hore eek u wajahnaa nacaybka qadiyada Somaliland, balse waxay wax badani kala cadaan doonaan ficilada ku xiga booqashadan ee ay qaado Djibouti.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *