Djibouti(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftigii uu Hoggaaminayay ayaa maanta Madaxweynaha Jamhuuriyada Djibouti  Ismaaciil Cumar Geelle kulankii ugu horeeyay kula yeeshay xarunta Madaxtooyada ee wadankiisa. Kadib

markii   Madaxweynaha Somaliland uu ka helay martiqaad rasmi ah.
 Wararka ka imanaya Magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in kulankaasi labada Madaxweyne kaga hadleen ahmiyada ay labada qaran ee DJabuuti iyo Somaliland u leedahay xoojinta xidhiidhka, iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada ummadood ee walaalaha ah. sida ay sheegayaan wararka ku dhow dhow kulanka labada Madaxweyne ayaa sheegaya  in kulankaa  labada Hoggaamiye isku waafaqeen arrimihii ay ka wada hadleen. Iyadoo wararku intaa ku darayaan inay  kulankaa goob joog ka ahaayeen Wasiiro ka tirsan labada wadan ee Somaliland iyo Jabuuti.
Sidoo kale, Marwada Madaxweynaha DJibouti Marwo Khadra Maxamuud Xayd, ayaa iyaduna saaka Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde, waxay  labaduba kormeer ku soo mareen  xarumaha daryeelka Carruurta, oo ay Marwo Khadra Maxamuud Xayd maalgelin ku samayso,  isla markaana taageerto horumarinta goobahaa iyo sidii wax loogu qaban lahaa .
Weftigii Madaxweyaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay gaadhay Djibouti ayaa loo sameeyay soodhoweyntii ugu maamuus saraysay ee loo sameeyo hogaamiye Somaliland ah oo booqda Djibouti, halkaas oo ay  madaarka kusoo dhoweeyeen madaxweyenaha  Dalkaa Ismaaciil Cumar Geelle iyo xubno ka tirsan Golahiisa Xukuumada.
Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisa ayaa la filayaa inay maalinta sabtida kusoo laabtaan dalka.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *