Ceergaabo(ANN)Weftigii uu hogaaminayay Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Maxamed Xoog iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac, ayaa maanta kulamo xog waran ah la yeeshay Isu-duwayaasha wasaaradaha
gobolka Sanaag iyo taliyayaasha ciidammada Bilayska.
Weftiga wasiiradda eek u sugan xarunta gobolka Sanaag ee Ceergaabo ayaa warbixino ku saabsan xaalada hay’adaha dawladda ee dhinaca amaanka iyo adeegyada caafimaadka ka dhegaystaysteen masuulliyiinta kala duwan ee ay la kulmeen.
Taliyaha Qaybta Bilayska gobolka Sanaag C/risaaq Yuusuf Maxamuuud (Casayr) oo ka war bixiyey xaalada nabad galyada gobolka ayaa sheegay in aanay jirin wax nabadgelyo daro ah oo xiligan ka taagan gobolka.
Sidoo kale Isu-duwaha Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada Marwo Faadumo Xaaji Xasan Axmed oo soo dhaweysay weftida ayaa iyana warbixin kooban halkaa ka jeedisay, waxaanaay ballanqaaday inay si fiican ula shaqayn doonto masuulliyiinta cusub ee wasaaradda.
Gudoomiyaha GobolkaSanaag Cali Cabdi Hurre oo isna dhankiisa wefdiga uga waramayay xaalada gobolka ayaa ku tilamaamay masuuliyiinta gobolka ee Ha’yadaha dawlada iyo isu-duwayaasha inay yihiin kuwo u heelan shaqadooda, balse waxa uu xusay inaanay wasaaraddo badan lahay xafiisyo ay shaqadooda ku gutaan.
Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada Marwo Ilahaan Maxamed jaamac oo u mahad naqaday isu-duwayaasha wasaaradaha ayaa kula dardaarantay inay isku duubnaadaan dalkoodana si weyn ugu shaqeeyaan, isla markaana isu duwa kastaa si toosa ula xidhiidho wasiirkiisa iyo wasaaradda uu ka tirsan yahay.
Gebagebadii kulankaa Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr. Xuseen Maxamed Muxumed (Xuseen-xoog) ayaa u mahad celiyey isu-duwayaasha oo uu kula dardaarmay inay iskaashadaan, wadashaqeeyaan, isla markaana u diyaar garoobaan horumarinta gobolkooda. Sidoo kalena ay dhawaana u diyaar garoobaan 6bilood oo ah waxqabadka xukuumada cusub iyo qorshaha ku xiga boqolka maalmood.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380