Burco(ANN)Guddoomiyaha Xisbul-xaakimka KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo ku gudo-jira xog-ogaal u noqoshada iyo isu diyaarinta doorashooyinka goleyaasha deegaanka soo socda oo safar ku maraya qaar ka mid ah gobollada bariga Somaliland, ayaa maanta

 

soo dhawayn layaab leh kala kulmay dadweynaha reer Burco oo tunka ku qaaday Guddoomiyaha Xisbiga, ka hor intii aanu gaadhin magaalada Burco oo ay Tuullada Galloolay ay kaga hor yimaadeen kumannaan gaadiid iyo dadweyne ah.
Muuse Biixi oo ay ka badbadatay farxadda muuqaaalada soo dhawaynta reer Burco oo kumanaan nac nac iyo ubax dusha kaga daadiyay, ayaa isagoo mar qudha aan dibnaha isa saarin farxad darteed sallaan gacanqaad ah ku dhammayn waayay kumannaanka dadweyne ee laamiga dhinacyadiisa tubnaa.

Weftiga uu hoggaaminayo Muuse Biixi oo ka soo kicitimay magaalada Berbera oo muddo laba maalmood ah ay ku sugnaayeen, ka hor intii aanu Burco gaadhin waxa uu ku haday Degmada Sheekh, halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen boqollal arday iyo dadweyne calleemo-qoyan laamiga hareerihiisa la tubnaa, islamarkaana waxa uu xadhiga ka jaray xafiis cusub oo xisbiga KULMIYE ku yeelan doono degmada Sheekh

Masuulliyiinta heer gobol iyo degmo ee Gobolka Togdheer, ayaa weftiga KULMIYE kaga hortegay dulleedka magaalada Burco, kuwaasoo u gelbiyaya fagaaraha khayriyadda Burco oo ay ku sugnaayeen boqollaal dadweyne ah oo sugayay weftiga KULMIYE.

Guddoomiyaha Xisbiga KUMIYE oo dadweynaah reer Burco kala hadlay fagaaraha Khayriyadda, ayaa sheegay in ujeedada safarkoodu la xidhiidho qiimaynta waxa ka fulay barnaamijkii siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE ku galay ololihii doorashada madaxtooyadda ee sanad iyo badh ka hor xisbigu kul wareegay tallada dalka. Waxaannu Biixi dadweynaha reer Burco si kaftan ku dheehanyahay ugu duurxulay in aas-aasihii xisbiga KULMIEY ka soo jeedo Gobolka Togdheer, sidaa daraadeedna ay mar kale dhexda ugu xidhaan u diyaargarowga doorashooyinka deegaanka soo socda oo ay codkooda siiyaan, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa,” Burco waxa ku aasan xuddunta xisbiga KULMIYE, Ma jirto cid ballanqaad idinla gaadhay oo idin tidhaahda waxqabadkayagu buugaasuu ku qoranyahaye nagula xisaabtama. Annagu odhan mayno kow iyo laba waxaasaannu qabanay, laakiin qollooyinka mucaaridka ee naga soo horjeedaan ha sheegaan waxqabadkayaga, wax ay toban sanno qaban waayeen baannu sanad gudihii ku qabanay.”ayuu yidhi.


Guddoomiye Muuse waxa uu hoosta ka xaqriiqay inaanay dhawayn ballanqaadkii barnaamijka xisbiga KULMIYE, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Maantana cod baanu idinka doonaynaa, shantii sanaba mar baa isbedel siyaasadeed dhacayaa, isbedelka iyo in dhiig cusub tallada qabtana dantiisa iyo dimuqraaiyaddaa ku jira. Weli ma dhawa ballanqaadkii buugii ballanqaadka aad nagu doorateen, illaa aanu ka gaadhayno himiladayada ah inaan gobol la kala sheegan, inaan Burco iyo Hargeysa laba daamood kala sheegaan, inaan gobol cid gaar ahi sheegan, oo horumar, iskaashi iyo wadashayni timaado.”

Badhasaabka Gobolka Togdheer Yaasiin Muxumed Cabdi, oo ka hadlay fagaaraha Khayriyada Burco, ayaa soo dhaweeyay weftiga KULMIYE ee uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyeen Xildhibaanno ka tirsan Golaha Baarlammaanka oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, Xildhibaan Axmed Ducaale, Xildhibaan Axmed Haybe, Xildhibaan Kijaandhe, Xildhibaan, Xogahayaha KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga Cabdiraxmaan Talyanle, La-taliyaha Madaxweynaha ee xidhiidhka Goleyaasha Maxamed Cabdillaahi Cabsiiye, Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha dhexe Maxamuud Jaamac Warfaa, Garabka haweenka iyo xubno kale.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *