Hargeysa(ANN)Fadhigii Golaha Guurtida  ee Somaliland ee maanta ayaa waxay Duudub ku Ansixiyeen Xeerka Nom.20 oo Dhallinyarada Somaliland u Jidaynaya in 25 jir kaga qaybgali karaan  doorashada Golaha Deeganka, Fadhigaa oo uu  Shir Guddominayey Guddomiye ku-xigeenka Golaha

Guurtida Sheekh Axmed Sheekh Nuux Nurre, waxaa  kasoo qaybgalay 45 Xildhibaan oo ka mid ah 82 Xildhibaan ee uu ka kooban yahay Golaha Guurtidu, Xeerkan Waxa u Codyeey Meel Marintiisa 37 Xildhibaan, Waxa diiday 8 Xildhibaan, Cid ka Amuustayan ma jirin Gudomiyuhuna muu Codeynin, Sidaana waxa ku Ansaxay Xeerkaa.
Fadhigaa  oo ay  Xildhibaanadu ka hor intaan la ansixin dood adag ka yeesheen, waxay qaarkood  si  kulul u sheegeen in aanay Da’da 25jir ahi aanay ahayn mid ay kaga qaybgali karaan Doorashooyinka Golaha deeganka, iyaga oo Saldhig uga dhigaya in Dhalinyarada ay aqoon iyo Khibrad badan u bahan yihiin. Sidaa awgeed loo baahanyahay in qodobkaa wax laga bedelo.
Lakiin Xildhibaanada Taageersana in la ansixiyo Xeerkan ayaa ku doodayey in loo bahan yahay in dhalinayaradu ay u baahan yihiin inay Saaxada Siyaasada kusoo biiran, iyagoo  xusay in muddo dheer uu Xeerkani Dabar ku ahaa dhalinayarada sidaa awgeed la ansixiyo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *