Hargeysa(ANN) Munaasibad la doonayo in dib u habayn balaadhan oo dhinaca siyaasada iyo hogaanka ah lagu sameeyo Urur Siyaasadeedka UDHIS  ayaa la filayaa in maalinta beri ah lagu qabto Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa. Wararka la xidhiidha qorshaha balaadhinta

Urur siyaasadeedkaa ayaa tibaaxaya in maadaama Ururka lagu dhawaqaay iyadoo aanay xiligaa xukuumaddii talada haysay ogolayn furista Ururada Siyaasada, balse hada xukuumadda Maxadweyne Siilaanyo ogolaatay furista Ururada siyaasada oo xeerkii fasaxayay Baarlamaanku ansixiyay, isla markaana Madaxweynhu qalinka ku duugay ay kooxda hogaaminay Ururka UDHIS oo mudooyinkii u danbeeyay waday qorshe siyaasadeed oo la xidhiidha sidii dib u habayn siyaasadeed iyo mid dhinaca hogaankaba loogu samayn lahaa Ururkaa.
Muj Ibraahin Xuseen C/llaahi (Dhega-weyne) oo hada ah gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee Ururkaa ayaa dhowaan kasoo laabtay safar uu ku tegey dalka Britain, wuxuuna halkaa kula kulmay xubno door ah oo ay ka mid yihiin Muj. Axmed Mirre Maxamed, siyaasiyiin iyo aqoonyahano uu u bandhigay qorshaha siyaasadeed ee wado iyo ujeedada Ururkaa, kuwaas oo uu ku qanciyay inay soo galaan siyaasada oo ay kala qayb qaataan dhismaha iyo dib u habaynta Ururkiisa.
Sidoo kale Mujaahid Ibraahin Dhega-weyne iyo C/raxmaan Aw Cali Faarax waxay maalmihii u danbeeyay kulamo la lahaayeen Muj. Xasan Ciise Jaamac oo ay dhamaantood ka tirsanaayeen hogaamiyayashii Ururkii SNM ee dalka xoreeyay, waxayna warar iyo tibaaxo laga helay dhinacyada iyo kulamdoodu sheegeen in lagu qanciyay inuu Muj. Xasan Ciise soo galo saaxada siyaasada, isla markaana noqdo gudoomiyaha Ururkaa oo ay suurta gal tahay in magac cusub loogu walqalo.
Hase yeeshee xogo kale oo la xidhiidha arrimaha kulamadaa ayaa sheegaya inay kooxdani sidoo kale kulan la yeelatay Gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo ay dhamaantood isla qaateen qorshe cusub oo siyaasadeed iyo meel isugu geeyaan awoodooda, taas oo ahayd shuruuda uu ku xidhay Muj. Xasan Jaamac labada dhinacba, kuwaas oo sida ay sheegayaan xoggahaasi aqbalay inay hal meel isugu tagaan. Kadibna ay hogaanka u doortaan Muj. Xasan Ciise oo uu noqdo musharaxa doorashada Madaxtooyada ee soo socota.
Qorshaha  iyo hindisaha cusub ee dhinacyadan ayaa la filayaa inay maalinta Beri ah saaxada siyaasada kusoo kordhiso wejiyo  cusub iyo miisaan hor leh oo dhinaca Ururada iyo axsaabta ah, iyadoo la filayo in madasha munaasibadaa wax baddan daaha lagaga faydo, isla markaana ay masraxa siyaasada isoo taagaan saaxiibo mujaahidiin baddan oo ka mid ah halgamayaashii keenay xoriyada Somaliland oo mudo dheer qaarkood aanay isku siyaasad ahayn, ama ay ku kala maqnaayeen masraxa siyaasada Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *