Djibouti(ANN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geele ayaa maanta kulan la yeeshay waftigii uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyadda JSL Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo booqasho hawleed ku jooga dalkaa.Waftiga Somaliland  oo uu

hor kacayo Wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Gudoomiyaha rugta ganacsiga ayaa ku macneeyay  kulankooda Madaxweynaha  inuu ahaa mid booqasho salaan ah, kaas oo  sida ay sheegeen ka dambeeyay ka dib socdaal ay maalmihii ugu dambeeyay ku joogeen dalka Djibouti oo la xidhiidhay iskaashi laabada dal ah.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi oo kulankaa ka dib la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in uu ahaa mid booqasho uun ku kooban, wuxuuna  yidhi, “Kulankani waxa uu ahaa mid ku kooban booqasho aan ugu tagnay madaxweynaha, sababta oo ah  mar hadii aanu joogno magaaladda waxa aanu jeclaysanay in aanu madaxweynahana aragno. Madaxweynuhu si heer qaran ah ayuu noo soo howeeyay”. Ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda J. Somaliland.

Kulamada ay masuuliyiinta wasaarada Maaliyada Djibouti iyo ganacsiga la yeesheen ka  dib waxay waftiga Somaliland ee uu  hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadu booqasho  ugu tageen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geele markii uu dhamaaday kulanka ay la yeesheen Madaxweynaha Djibouti waxay  waftiga dhinaca Somaliland iyo xubno wasiiro ah oo uu hor kacayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Djibouti booqdeen xuduudka labada dal ee Lawyacado, iyagoo markaa kadib ku laabtay Djibouti.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland ayaa sheegay in socdaalkoodan ay ku yimaadeen dhinaca magaalada xuduudka ee lawya-caddo ay tahay sidii labada bulsho ee labada dal la isugu soo dhowaeyn lahaa korna loogu qaadi lahaa dhinaca wax wada qabsiga horu-marka gobolka.

Dhinaca kale waxa uu Wasiirku carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay kulankii ay kaga qayb galeen dalka Djibouti la sii xoojiyo isla markaana labadii biloodba mar la qabto.

sidoo  kale Wasiirka Maaliyadda ee dalka DJabouti Muuse Dawaare oo isna la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in kulamadda labada dhinac ay sare u sii qaadayaan siddii ay shacabku u ogaan lahaayeen inay yihiin kuwo walaalo ah.

Waxa kale oo uu tilmaamay in dhinacyadda ganacsiga iyo waliba koontarabaanadda u kala gudba labada dal loo baahan yahay in la iska kaashado.

Wasiirka Maaliyadda dalka Djibouti waxa uu intaa ku daray in xilligan oo ku beegan xagaagii ay socdaalkoodan u gogol xaadhayo sidii ay shacabka Reer Djibouti si sharciga waafaqsan uga talaabi lahaayeen xuduudka si ay ugu xagaa baxaan dhinaca jawiga nasashada leh ee Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *