Nairobi (ANN)Wada hadalo u socday Qaramada Midoobay iyo Al-shabaab ayaa laysku mari waayay. kadib markii  Saraakiil sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay  shaaca ka qaaday inay wada hadal kula jiraan ururka Al-Shabaab si ay ugu fududeeyaan in gargaarka ay gadhsiiyaan hay’addaha gargaarku dadka abaaraha  iyo macaluushu ku habsadeen ee deegaamada ay kooxda Al-shaab ka taliso ee Somalia.
Laakiin isu duwaha laanta Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka Josette Sheeran oo maanta booqasho gaaban ku yimi Muqdisho ayaa sheegay inay caawimada ku qaybinayaan diyaarado kasoo daadiya hawada, maadaama ay xaaladu tahay mid aan la aamini karin in sahay la gaadhsiiyo kumanaan qof oo somalia macaluul ba’ani ku haysato.

Dhinaca kale Xidhiidhiyaha deeqaha  bani’aadanimo ee Somalia iyo Somaliland u qaabilsan Qaramada Midoobay Mr. Mark Bowden oo shalay shir jaraa,id oo uu saxaafada kula hadlayay ku qabtay magaaladaNairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in hay’addaha UN-ka iyo Al-Shabaab uu ka dhex socdo wada xajood xasaasi ah,  kaas oo ku saabsan dhinaca bani’aadanimada iyo sidii gargaar loo gaadhsiin lahaa dadka macaluusha iyo abaaruhu haystaan ee Somalia oo ay deegaamada ugu hallista baddan ka taliyaan sida uu sheegay kooxda Al-Shabaab.
“Waxaa jiraa in aan wada hadal kula jirno Al-Shabaab laakiin waa inaan cadeeynaa in aanu  ahayn gorgortan” ayuu yidhi Mark Bowden,wuxuuna  intaa ku daray in dhinacooda  ay rabaan sidii tasiilaad loo siin lahaa shaqaalaha gargaarka, gaar ahaan  dhinaca amniga, iyo keenista cunada gargaarka ee ku sugan goobaha ay Al Shabaab ka taliyaan.
Mark Bowden wuxuu markale ku celiyey in Al-Shabaab meelaha ay gacanta ku hayaan ay ku fiicnaayeen amniga, balse ay jireen dhacdooyin dhowr ah oo sannadihii u dambeeyey dhexmaray Shabaabka iyo hay’addaha,  taas oo sida uu sheegay loo baahan yahay in la xaliyo waqtigan.
Qaeamada Midoobay  ayaa ku dhawaaqday dhowaan in gobolada Baay iyo Bakool  iyo Shabeelada Hoose oo ka mid ah gobolada koonfurta Somaliya ee ay ka taliyaan ururka Al Shabaab ay ka jirto macluul ba,an loona baahan yahay gurmad cuno oo deg deg ah la gaadhsiiyo.
Inkasta oo Mark Bowden  xusay inay wada hadalka ay kula jiraan Qaramada Midoobay aanu ahayn mid siyaasadeed iyo gorgortan. Laakiin warar la xidhiidha wada hadalada bilawga ahaa oo laga soo xigtay dublamaasiyiin ku sugan Nairobi ayaa sheegaya inay wada hadalada oo ku saabsanaa arrimaha gargaarka la doonayay in  looga gudbo  gorgortan siyaasadeed oo bilaw u noqda in ugu danbaynta lay horkeeno dawladda taagta daran ee Somalia iyo kooxda Al-shabaab oo gacanta ku haysa inta baddan gobolada Somalia ee Koonfurta, iyadoo ay waqtigan xaqiiqsadeen Qaramada midoobay iyo dawladaha waaweyn ee reer galbeedku inaan la dafiri Karin gacan ku haynta kooxdaa ee Koonfurta Somalia iyo raja la’aanta dawladda taagta daran ee awoodi weyday inay gacanta ku dhigto magaalada Muqdisho iyo gobol kale toona.
Qorshaha wada hadalada bilawga ah ayaa lagu tilmaamay mid ay horeba usoo jeediyeen siyaasiyiin dhinaca dalka Maraykanka iyo qaar ka mid ah dadka ka faallooda qalalaasaha siyaasada aduunka oo sannadii lasoo dhaafay soo jeediyay in daalibaanta Afgaanistaan iyo kooxda Al-shabaab ee Somalia lala galo wada hadal, balse kooxda Daalibaan ayaa iyadu shuruud adag ku xidhay wada hadal ay la galaan maamulka taagta daran ee reer galbeedku ka sameeyeen halkaa.
Laakiin kooxda Al-shabaab ee Somalia ayaan laga warqabin aqbalaada ay aqbalayaan inay wada hadal la galaan dawladda taagta daran ee Sh. Shariif iyo weliba inuu wada hadalkaasi noqdo mid ay Qaramada  Midoobay  hormood u yihiin, isla markaana ay dabada ka riixayaan dawladaha galbeedku.  

Araweelonews Mobile
Nairobi  Office    
E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *