Muqdisho(ANN)Deeqdii ugu horaysay ee shacbiga Somaliland u qorsheeyeen dadka dhibaatada iyo macaluushu ku haysato Koonfurta Somalia ayaa gaadhay  magaalada

 

Muqdisho shalay. Kadib markii Wefti ka kooban lix xubnood reer Somaliland ah oo sida kaalmo loogu talogalay dadka abaaraha iyo macaluushu ku hayso dalka Soomaaliya, ayaa markii ugu, iyadoo si diirran loogu soo dhoweeyey madaarka xarunta Somalia ee Muqdisho.
Weftiga oo gelinkii hore ee shalay ka dhoofay Madaarka Hargeysa, isla markaana uu hoggaaminayo abwaanka caanka ah ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ay wehelinayaan Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Somaliland iyo xubno kale oo dawladda ka tirsan, waxa garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho si weyn ugu soo dhoweeyey masuuliyiin ka socday dawladda Sheekh Shariif oo uu horkacayey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Md. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, fannaaniin, ururrada bulshada iyo dadweyne tiro badan oo reer Muqdisho ah, iyadoo weftigaasi ku lebbisnaayeen dhar lagu xardhay astaanta qaranka Somaliland.


Sidoo kale, wefti labaad oo uu hoggaaminayo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo uu wehelinayo Wasiirka Ganacsiga Somaliland, ayaa iyaguna shalay tegay magaalada Nairobi, halkaas oo ay uga sii gudbi doonaan xeryaha qaxootiga Soomaalida ah ku jiraan ee ku yaal gudaha waddanka Kenya, si ay gaadhsiiyaan kaalmada Somaliland u fidisay dadka Soomaaliya ee abaaruhu aafeeyeen.
Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi oo saxaafadda kula hadlay Madaarka magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in aad ugu faraxsan yihiin socdaalka Xamar, isagoo xusay inay sidaan deeq shacabka Somaliland iska soo ururiyeen oo ay ugu talogaleen taakulaynta dadka walaalahood ah ee abaaruhu barakiciyeen ee ku dhibaataysan gudaha iyo hareeraha caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Xasan Cabdi Axmed, ahna afhayeenka weftiga reer Somaliland ee gaadhay Muqdisho shalay oo isaguna warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in deeqda shacabka Somaliland iska soo ururiyeen gaadheyso $700,000 (toddoba boqol oo kun oo dollar), isla markaana u qaybiyeen kaalmadaas laba qeybood oo kala ah barakacayaasha Muqdisho ku sugan iyo Soomaalida ku jira xeryaha qaxootiga ee ku yaal dalka Kenya, isagoo xusay iney sidaan caawimo isugu jirta caano, cuntooyin kale iyo dawo, maalmaha soo socdana Muqdisho gaadhi doonaan duullimaadyo kaloo sida qeybaha hadhsan gargaarkaas, waxaannu maamulka iyo dadweynaha reer Muqdisho uga mahad-celiyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabilay weftigooda reer Somaliland.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mr. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo iska na halkaa ka hadlay, ayaa si weyn ugaga mahadnaqay dadweynaha Somaliland kaalmada ay u fidiyeen walaalahooda Soomaaliya iyo booqashada taariikhiga ah ee weftigaasi k tageen magaaada Muqdisho.
“Waxaannu uga mahadcelinaynaa dadka reer Somaliland siday ugu damqadeen walaalahooda Soomaaliya, weftigana waannu uga mahadcelinayaa booqashada ay ku yimaaddeen Muqdisho. Deeqda ay wadaan yaraanteeda iyo badnideeda waxa ka qaalisan damqashada ay ka damqadeen iyaga [dawladda Somaliland] iyo shacabkoodu dhibaatada heysata walaalahood Somaaliyeed iyo sida qiirada leh ee ay isu xilqaameen,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.


Dhinaca  kale kooxda waday caawimadaa ayaa soo jiitay shucuurta dadka, waxayna  weftiga reer Somaliland ka degeen  Muqdisho, iyagoo  xidhnan  dhar ka samaysan calanka Somaliland, halka masuuliyiinta dawladda Sheekh Shariif ee soo dhawaysanayna ku lebbisnaayeen dhar uu ku xardhan yahay calanka Soomaaliya, waxaanay noqonaysaa markii ugu horreysay ee ay Muqdisho cagaha dhigaan wefti heer qaran ah oo caawimo u sida Somalia, iyagoo dhinaca kalena sita astaamo muujinya calanka Jamhuuriyadda Somaliland tan iyo intii ka dambaysay markii ay madaxbannaaneeda kala soo noqotay dalkii laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya 18kii May 1991kii, taas  muujinaysa in calanka buluugga ah ee Soomaaliya uu soo dhaweeyey calanka saddexda midab leh ee Tawxiidku ku xardhanyahay, balse safarka kooxdan ayaa ah mid bina’aadanimo oo aan ahayn mid siyaasadeed. Laakiin intii deeqadan la ururinayay, waxa soo baxay aragtiyo dadka qaar dhinaca siyaasda kaga eegayeen, balse qaar kale ayaa iyaguna dhinaca bini’aadanimada ka eegayay oo ku tilmaamay mid aan shaqo ku lahayn siyaasad, taas oo xukuumadda Somaliland iyo gudida loo xilsaarayba ku tilmaamayeen in deeqdaasi tahay mid aan siyaasad ku shaqo lahayn. Sidaa awgeed aan loo baahnayn in lala xidhiidhiyo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *