Hargeysa(ANN)Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Somaliland, ayaa la sheegay inay lunsadeen deeq Imaaradda Shaariqa ee dalka Imaaraadka Carabtu ugu talogashay in la gaadhsiiyo dadka reer Somaliland ee abaaruhu saamaynta xun ku yeesheen. Caawimada loogu

talogalay dadka reer Somaliland ee abaaruhu waxyeellada u gasteen oo isugu jirta bariis, daqiiq, sonkor, saliid iyo caano, ayaa laba toddobaad ka hor ah dalka keenay wefti ka socday Imaaradda Shaariqa, waxana ka guddoomay caawimadaas Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo weftigaas dalka ku soo dhoweeyey.
Md. Saylici, ayaa sida la sheegay waxa uu qaybinta deeqdaas u wakiishay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda Mr. Abiib Diiriye Nuur (Timacad). Haseyeeshee, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay Jamhuuriya u xaqiijiyeen kala badh kaalmadaas, waxa lagula kacay musuqaamuq iyo lunsi, halka qaybo yar oo mucaawinadaas ka mid ahna gaadheen dadka danyarta ah ee abaaruhu dhibaatada u geysteen.
Xubnaha ka socday Imaaradda Shaariya ayaa deeqdan gaadhsiiyey degaanno ka mid ah Gobolka Gabiley iyo Hargeysa, waxana qoys kasta la siiyey 25kg oo bariis ah, 25kg oo daqiiqa, dhawr kiiloo oo sonkor ah, 7 litir oo saliid ah iyo laba daasadood oo caano ah, balse sida ilahaasi tibaaxeen qiyaastii kala badh kaalmadaas ka mid ah waxa lunsaday saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Somaliland.

 

Sida xogaha Jamhuuriya ka helay Madaxtooyada Somaliland caddeeyeen in kala badh deeqda Imaaraadka ka timi aanay gaadhin dadka masaakiinta ah ee loogu talogay, kadib markii sida la sheegay saraakhiisha gacanta ku hayey qaybinta mucaawanadaasi kula kaceen lunsi iyo musuq, iyadoo sida la sheegay ay Madaxtooyadu ka war-heshay musuqmaasuqa lagula kacay kaalmadaas, laakiin ilaa hadda ma jirto wax tallaabo ah oo ay arrintaas ka qaadday.
“Dawladda Imaaraadka Carabtu waa dawlad xidhiidh soo jireen ah ka dhexeeyo Somaliland, xidhiidhkaas oo isugu jira dhaqan, ganacsi iyo diinba, iyadoo xidhiidhkaasi uu labaatankii sannadood ee u dambeeyay marba marka ka dambaysa sii xoogaysanayay. Gurmadkan aad noogu timaaddeen xilligan waxay ka turjumaysaa xidhiidhka walaalnimo ee innaga dhaxeeya, waanuna idiinka mahad naqaynaa.” Sidaa waxa yidhi Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo la hadlayey weftiga kaalmada u siday dadka abaaruhu waxyeelleeyeen ee reer Somaliland.

“Waa waajib diiniya dadka islaamka ahi meel kastoo ay joogaanba inay is caawiyaan, waxaanan idin leenahay dalkani waa dalkiinii labaad ee ku soo dhawaada qalbi iyo gacmo furan,” ayuu yidhi Md. Saylici, waxaannu weftiga uga warramay xaaladda abaaraha ee gobollada dalka.
Mr. Rashiid Saalax Binu Xamad oo ka mid ah weftiga Carbeed oo ka hadlayey kulanka dhexmaray Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ayaa yidhi; “Waxaannu halkan ku nimi amar ka yimi Dr. Suldaan Maxamed Al-qaasim, si aannu uga qeybqaadano dhibaatooyinka ka jira Geeska Afrika, waxaanunau Somaliland u nimi inaannu abaaraha ka jira ka geysano waajibaadkayaga. Ujeeddadayada dhabta ah waxa weeye in dadka reer Somaliland ee abaaruhu waxyeelleeyeen aannu gacantayada ku gaadhsiino taakulada aannu u sidno.”
“Waxaan idiinka mahad-celinaynaa sida diirran ee aad noogu soo dhawayseen Somaliland,” ayuu yidhi Rashiid Saalax Binu Xamad.
Weftigaas waxa Madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay wasiirrada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Beeraha Faarax Cilmi Geedoole iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda Abiib Diiriye Nuur (Timacad).
Xigasho Jumhuuriya

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *