Hargeysa(ANN)Safiirka waddanka Switzerland u qaabilsan dalalka Geeska Afrika Mr. Jacques Pitteloud, ayaa ku dhawaaqay in dawladdiisu si xooggan u taageersan tahay in dadyowgu go’aan ka gaadhi karaan mustaqbalkooda, isla markaana ay xilli mustaqbalka ka mid ah Switzerland

go’aan ka gadhi doonto qaddiyadda aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.
Safiirka oo maalmihii u dambeeyey booqasho ku joogay Somaliland oo ka hor intii aannu shalay dalka ka dhoofin shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee Hargeysa, waxa uu sheegay in aan weli la gaadhin xilligii Swetzerland ay khasab ku noqon lahayd aqoonsiga Somaliland, balse waxa uu daboolka ka qaaday in dawladdiisu ku dedaali doonto, sidoo kalena ka shaqayn doonto sidii dhawaaqa Somaliland u gaadhi lahaa fagaarayaasha laga hago siyaasadaha caalamka.
Waxa uu safiirku ballanqaaday inay meel kasta gaadhsiin doonaan qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, kana shaqayn doonaan dhinacyada horumarinta ee bulshadu u baahan tahay.
Ambassador Jacques Pitteloud oo la waydiiyey su’aal ahayd, ‘waddamada reer galbeedku waxay taageereen bannaanbaxyadii ka dhacay Libiya, Masar, Tunis iyo dunida Carabta, laakiin Somaliland oo samaysay dimuqraadiyad aan inta badan Afrika ka jirin may taageerin, maxay taasi ku dhacday?’ Waxa uu ku jawaabay; “Aad bay iigu adagtahay in aan ka hadlo waddamada reer galbeedka, maxaa yeelay annagu waxaannu nahay dal gaar ah oo aan xubin ka ahayn Midowga Yurub iyo NATO toona, markaa annagu kama mid nihin quwadaha waaweyn ee adduunyada, sidaa daraadeed magaca dalalka reer galbeedka kuma hadli karo ee waxaan ku hadli karaa uun magaca dalka Switzerland. Waxaannu annagu si xooggan mar walba ugu dhegganahay hannaanka lagu heli karo aqoonsi. Dhinac ahaan waxaannu aad u taageersanahay xaqa dadku u leeyihiin inay aayahooda mustaqbal ka tashadaan, arrintaasina waa waxyaabaha dawladda Switzerland u taagan tahay.
Dhinaca kale, waxaannu aad u ixtiraamaynaa shuruucda caalamka u yaal, waxana jira dhibaatooyin markasta soo noqnoqda. Tusaale ahaan; tii Koonfurta Suudaan oo kaloo la aqoonsaday, tii dalka Kosovo oo iyana duruufuhu khasbeen in la aqoonsado. Si dhakhso ah iyo si dheerba dawladda Switzerland waxay dooran doontaa sidii ay ugu dhawaaqi lahayd aqoonsiga Somaliland, si daacad ah haddaan u hadlana, mana hubo inuu yimi wkhtigii lagu khasbi lahaa aqoonsiga, laakiin waxaannu ognahay in aannu marnaba Somaliland u oggolaan doonin inay dunto, waanuna ka shaqayn doonaa sidii aannu u caawin lahayn Somaliland. Waxa kale oo aannu ka shaqayn doonaa in codka ama dhawaaqa dadka reer Somaliland laga maqlo fagaarayaasha lagu lafogurayo siyaasadaha caalamka, annagoo beesha caalamka kala xaajoon doona sidii codka reer Somaliland u gaadhi lahaa. Xaqiiqo ahaan aad baannu ula shaqaynaynaa Somaliland, waxaanuna isku dayi doonaa in aannu wax faa’iido leh u qabano.”
Waxa kaloo safiirku ballanqaaday in dawladdiisu taageero weyn ka geysan doonto mucaawanada iyo taageerada lagu horumarinayo dalka Somaliland, isla markaana xidhiidh aad u dhow oo wada-shaqayneed dawladdiisu la yeelan doonto dawladda Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *