Hargeysa (ANN) Xisbiga Muxaafidka KULMIYE, ayaa soo saaray qoraal lagu shaaciyay magacyada gudi qabanqaabo oo diyaarinay shirkii golaha dhexe ee xisbigaa, kaas oo haatan la mudeeyay, isla markaana loo magcaabay  gudi ka kooban 11 xubnood, kuwaas oo isugu jira xubno ka tirsan

 

golaha wasiiradda, saraakiil ka tirsan Hay’addaha kale ee sharci dejinta iyo dawladda.
Guddidan loo xilsaaray qabanqaabada shirweynaga xisbiga oo la qaban doono Bisha june ee 2011 waxa guddoomiye looga dhigay Guddoomiyaha Guddida maamul-wanaaga iyo la-dagaalanka musuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafada loogu talo galay oo kasoo  baxay xisbiga, kaas  oo uu ku saxeexanyahay Guddoomiyaha golaha dhexe  Garyaqaan Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel),wuxuuna  u dhignaa sidan;- “Iyada oo aynu hore ugu dhawaaqnay qabashada shirka golaha dhexe ee Kulmiye oo ku beegan June 6 2011, ayaa waxa lagama maarmaan noqotay si ay qabsoomida shirku u tabaalo la’aato in aanu magacwno guddi qaban qaabo oo ka hawl gasha dhamaan hawlaha ku beegan qabashada shirka golaha dhexe.
Sidaas darteed maanta oo ay taariikhdu tahay 28/05/2011 waxaan magacaaba inay noqdaan gudida qaban qaabada ee shirka golaha dhexe xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin.
Axmed Muxumed Madar     Guddoomiye
Cabdikariin Axmed Xinif      Xoghaye
Maxamed Muuse Abees      Xubin
Nimco xuseen Qawdhan     Xubin
Ilhaan maxamed jaamac     xubin
Xuseen axmed Caydiid       xubin
Mahdi Xuseen Cadar          xubin
Cabdiraxmaan yuusuf Cartan    xubin
Siciid Cilmi Rooble                    xubin
Axmed Cabdi Dheere               xubin
Xubnaha gudida qaban qaabada waxaa lagu wargelinayaa inay bisha 31/05/2011 oo ku beegan Maalin Axad ah isugu yimaadaan xarunta Xisbiga  Kulmiye Saacada 9:00 subaxnimo halkaas oo guddoonka golaha dhexe kulan kula yeelan doono.
Mudanayaal waxaan idinka rajaynayaa hawl wacan, guul iyo gobonimo taam ah.”
Dhinaca kale Gudoomiyaha golaha dhexe ee Kulmiye oo ku saxeexan qoraalka ayaa shebekada Araweelonews u xaqiijiyay in ujeedada shirka golaha dhexe aanay ahayn ansixinta ama  diidmada gudoomiyaha xisbiga ee xilka la wareegay, kaas oo uu sheegay inuu yahay heshiiskii shirkii Burco, balse ujeedada ugu weyni tahay diyaarinta ajandihii iyo diyaargarawgii shirweynaha xisbiga, ka hor inta aan la gaadhin doorashada madaxtooyada,  maadaama dib u dhac ku yimi, kaas oo ka dhashay dib u dhigistii doorashada. Sidaa awgeed Ajandaha laga hadlayo laga sugayo gudida qabanqaabada ee loo magcaabay, maadaama sida uu sheegay uu safar  kaga maqan yahay dalka xogahyihii xisbiga Kulmiye.  
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *