Kuwait (ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hoggaaminayay oo weli socdaal  shaqo ku jooga dalka Kuwait ayaa xalay kulan la yeeshay Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan wadankaa. Waxaana su’aalo door ah la weydiiyay

 

Madaxweyne Siilaanyo oo ugu danbayntii Jaaliyadu  gudoonsiisay Bilad sharaf lagu qii,meeyay qofnimadiisa iyo taariikhdiisa halgan.
Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta qasriga Madaxtooyadda Somaliland, kaas   oo u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL Mudane, Ahmed Mohamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa jaaliyadda Reer Somaliland ee dalka Kuwayt uga mahad-naqay soo dhaweynta iyo billad ay gudoonsiyeen ka dib markii habeenkii xalay 29/04/2011 ay Madaxweynaha iyo weftigiisu ay la kulmeen jaaliyadda Somaliland ee Dalka kuwayt oo casho sharaf u sameeyey Madaxweynaha iyo Weftigiisa.
Madaxweynaha JSL waxa uu warbixin dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka siiyey xaalada dalku marayo, Jaaliyada Somaliland ee kulanka Casho sharaftab ah Madaxweynaha u sameeyey, Dadkaas oo lagu qiyaasay in ka badan 150 qof oo ka mid ah dadka jaaliyadda Kuwayt degen ee ka soo qayb galay kulankaas.
Madaxweynuhu waxa uu faah-faahin ka bixiyey ujeedada safarka ay isaga iyo weftigiisu ku joogaan wadamada carabta, Waxaanu sheegay in ay dunida carabtu, ka go’nayd Somaliland sidaa Awgeedna ay lagama maarmaan tahay in aynu xidhiidhkeena noolayno oo aanu kulamo la yeelano wadamada Carabta sida Kuwayt iyo Isu-tagga oo aanu soo maarnay intaanan halkan iman taasi oo keliyana kaga hadhi mayno Dedaalkayaga ee waanu sii wadi doonaa oo Waxa aanu isku deyi doonaa in aanu Xoojino Xidhiidh Qoto dheer oo inna dhex-mara inaga iyo Carabta.
Waxa kale oo kulankan ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo jaaliyadda uga warramay siyaasadda arrimaha dibedda ee xukuumadda iyo sida ay haatan beesha caalamku ugu soo jeedsatay Somaliland, Markaa ka dib Af-hayeenka Madaxtooyada Mudane, Cabdilaahi Maxamed Daahir ( Cukuse) ayaa isaguna waxa uu jaaliyadda faah-faahin ka siiyey duruuftii ay Somaliland ku sugnayd markii ay xukuumadda cusub talada dalka la wareegtay iyo waxa ay xukuumaddu qabatay mudadii ay jirtay.
Madaxweynaha ayaa markaa ka dib dadka jaaliyadda u ogolaaday in ay waydiiyaan su’aalaha ay waydiinayaan ama gocanayaan.
Gudoomiyaha jaaliyadda iyo haldoor kale oo ka mid ahaa ka soo qayb galayaashii kulanka ayaa Madaxweynaha uga mahadnaqay la kulankiisa iyo sida uu socdaalkiisu kor ugu qaaday sharafka dalka.
Waxaanay jaaliyaddu Madaxweynaha gudoonsiisay bilaad aan Somaliland nooceeda hore loo bixinin taasoo ay ku muujiyeen in uu Madaxweynuhu qof ahaan ku mutaystay waayihiisii taariikheed iyo halgan.
Ka hor intii aanu bilaabmin barnaamajku waxaa lagu furay heesta astaanta Qaranka Somaliland iyo calanka oo babanaya oo qadar daqiiqada ah loo taagnaa.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *