Laascaanood(ANN)Cutub ka tirsan Ciidanka Qarnka Somaliland oo kaashanaya ciidanka Booliska gobolka Sool ayaa gacanta ku dhigay koox hubaysan iyo gaadhigii ay wateen. wax yar ka dib markii ay tacshiirado rasaas ah galabta  ay la beegsadeen  Taliyihii Ciidanka Nabadgelyada Wadooyinka gobolka

Sool oo ahaa sarkaal magaciisu yahay Aadan, kaas  oo galabta ku dhaawacmay rasaas ay ku fureen dablay hubaysani, xili uu sii galaeyey gurigiisa magaalada Laascaanood.
Sarkaalkaa waxa soo gaadhay dhawaac fudud, iyadoo   ay ku dhaceen laba xabadood, wuxuuna ka gaadhay dhawaac  Lugta. Sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Sool.

Taliyaha ciidanka Nabadgelyada wadooyinka ayaa is difaacay markii ay kooxdani tacshiirado raraas ah ku weerareen, waxayna isku dayeen inay baxsadaan markii ay ku guuldaraysteen inay fuliyaan dilkaa shirqoolka. Laakiin sida ay saraakiisha Maamulka gobolka Somaliland ee Xukuumadda Somaliland sheegeen waxa markiiba goobta yimi cutub ka tirsan ciidanka qaranka , kuwaas oo iyagoo kaashanya ciidanka Booliska gacanta ku dhigay Lix Nin iyo gaadhigii ay wateen, kuwaas  oo ahaa kuwii fuliyay dilka lala beegsaday sarkaalka, waxaana la qabtay iyagoo doonayay inay si dhuumasho ah uga baxaan magaalada Laascaanood.

Jimcihii shalay ayaa fal noocan oo kale ah lagu dhaawacay sarkaal ka tirsanaa ciidanka booliska gobolka Sool oo magaciisa la yidhaahdo Jaamac Muuse Cawad, oo rasaas lagu furay salaadii makhrib markii uu ka soo baxay masaajid ku yaala magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo xiliyadan dambe ay sii xumaatay xaalada nabadgelyo ee ka jirtaa,  isla markaana bartilmaameed u noqotay dilal qorshaysan oo lagu khaarajiyo madaxda gobolka iyo laamaha dawlada.

Sidoo Todobaadkii  hore ayay ahayd markii Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Sool Maxamed Aadan Cartan, uu ka badbaaday qarax lala beegsaday oo la doonayay in lagu khaarajiyo xili  uu ka yimi  xarunta maamulka Gobolka Sool kuna sii jeeday Gurigiisa magaalada Laascaanood, mana jirto fal illaa hada cid loo hayo  falkaa, iyadoo ay kooxaha shirqoolada dilalka iyo qaraxyada ka wada gobolka Sool doonayaan inay meesha ka saaraan masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland eek u sugan gobolka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *