Laascaanood(ANN)Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland  ee gobolka Sool  ayaa caawa cawayskii lala beegsaday tacshiirad rasaas ah. Kadib markii uu kasoo baxay Masjid ku yaal Koonfurta  magaaladda laascaanood. Sarkaalka oo  magaciisu  yahay  Jaamac Muuse Cawad, waxa tacshiirad rasaas ah la

 

beegsaday dablay aan weli la aqoonsan, kuwaas oo baxsaday kadib markii ay ku fureen sarkaalka rasaasta, waxaana dhawaac culusi soo gaadhay sarkaalkaa Booliska ah oo cusbitaalka loola cararay. Sidaana waxa shebekadda wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay saraakiil ka tirsan Booliska gobolka Sool.
.
Ciidanka booliska ayaa wada baadhitaan ku saabsan cidii ka danbaysay tacshiirada lala beegsaday sarkaalkaa oo  dhaawaciisu culus yahay, iyadoo  xabaddo kaga dhaceen Dhabarka. Sarkaalkan ayaa noqonaya kii shan iyo tobnaad ee labadii sannadood ee u danbeeyay lala beegsado shirqool dilal ka socday xarunta gobolka Sool, kuwaas oo loo adeegsado qaraxyo miino kuwa sheedo laga hago iyo kooxo afka soo duubta oo weerara masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland ee gobolka Sool.

20 April Todobaadkii  hore ayay ahayd markii Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Sool Maxamed Aadan Cartan, uu ka badbaaday qarax lala beegsaday oo la doonayay in lagu khaarajiyo xili  uu ka yimi  xarunta maamulka Gobolka Sool kuna sii jeeday Gurigiisa magaalada Laascaanood, mana jirto fal illaa hada cid loo hayo  falkaa, iyadoo ay kooxaha shirqoolada dilalka iyo qaraxyada ka wada gobolka Sool doonayaan inay meesha ka saaraan masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland eek u sugan gobolka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *