Dubai(ANN) Wefdiga Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa weli ku gudajira booqashadii ay ku joogeen dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, waxayna kulamo masuuliyiinta Imaaradaha dalkaa oo casuumado iyo martiqaad u sameeyay maalmihii u danbeeyay, kuwaas

 

oo ay ka wada hadleen sidii Somaliland looga caawin lahaa dhinaca adeegyada aasaasiga ah iyo sidii ay maalgashi u samaysan lahaayeen khayraadka geriga Somaliland.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska qasriga madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay waxyaabaha ay madaxweynaha Somaliland iyo masuuliyiinta dalka Imaraadku ka wada hadleen iyo nuxurka kulamadii ay yeesheen.
Wuxuuna qoraalkaasi u dhignaa sidan:-  ”Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftiga uu Hogaaminaayo oo weli ku jira Booqashada ay ku joogaan Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta kuna Sugan Magaalo Madaxda Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee Abu-Dabai ayaa weli waxay ku jiraan kulamada ay la yeelanayaan Madaxda Kala Duwan ee wadankaa ka taliya.

Madaxweynaha oo Xooga Saaray in ay Somaliland wadanka Imaaraadka Carabta iska Kaashadaan Dhinaca Dhaqaalaha, Isla markaana ay Ganacsatada waa weyn iyo Shirkadaha wadanka ku sugan Maal-gelin ka sameeyaan Wadanka Somaliland sidoo kalena madaxweynaha oo ku dedaalaya inay Is-Afgarad ka gaadhaan Madaxda wadanka Imaaraadka Carabta si ay gacan uga Gaystaan Dhinaca Mashariicda Horumarineed, ee Caafimaadka, Biyaha iyo Waxbarashada ayaa Shalay (18/04/2011) waxa uu Qado Sharaf Gurigiisa ugu Sameeyey Wasiirka Madaxtooyada ee Wadanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta SHEEKH MANSUUR BIN ZAYID‏ waxaanu Madaxweynuhu uga Waramay Baahida ay Somaliland u qabto in ay lagu gargaaro Dhinaca Waxbarashada, Caafimaadka iyo Biyaha.

waxa kale oo uu u sheegay Madaxweynuhu sida ay Somaliland ugu Guulaysatay in ay noqoto laambad ka Iftiimaysa Mandaqada ay ku taalo, Marka la eego Dhinaca Nabad-gelyada iyo dhinaca Uhuunta ay shacbiga Somaliland la yimaadeen sidii ay u noqon lahaayeen qaran jira.
Waxaanu Sheegay madaxweynaha Somaliland in ay Taariikh ahaan Wadanka isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Somaliland weligoodba lahaayeen Xidhiidh soo Jireen ah.

Wasiirka Madaxtooyada ee Wadanka Imaaraadka Carabta SHEEKH MANSUUR BIN ZAYID ayaa isaguna waxa uu ka waramay sida uu uga war hayo in ay Somaliland tahay meesha Keliya ee Caan ah wadankii laysku odhan jiray Somaliya u qalantana in ay Ganacsatadu Maal-gashi ku sameeyaan, waxa uu sheegay in ay kawar-hayaan Somaliland Nabad-gelyada taala iyo kala Danbaynta ka jirta.
Waxa uu sheegay in uu ogyahay in ay Somaliland ka jirto Jamhuuriyad ku guulaysatay inay Somaliland soo gaadhsiiso xasilooni, Dawladnimo iyo Kala Danbayn.

Sidaa si la mida waxa Caawa (19/04/2011) Madaxweynaha iyo Weftigiisa Casuumad ugu Sameeyey Magaalada Abu-Dabai Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha oo horena u ahaa Taliyihii Ciidamada ee Wadanka Al-baxaari AL-Daahiri oo ay Wehelinayeen Cali Bin Axmed  AL-Daahiri oo ah Xog-hayaha Deekh Khayb Bin Faaid AALA Nahyaan oo ah Amiirka Wadanka Isu-taga Imaaraadka Carabta iyo Axmed Saiid Al-faaid Al-Daahiri oo ah Ganacsade wayn.

waxa kale oo Cashada Madaxweynaha loo sameyey ku wehelinaayey Suldaan Siciid Al-faaid Al-daahiri oo ah Kaaliyaha Wasiirka Cadaalada ee Imaaraadka Carabta.
Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale Masuuliyiinta kala Duwan ee ka Talisa Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta kala hadlay siduu uu Madaxdii ka horaysayba u sheegay in ay Somaliland Baahi wayn u qabto in wax lagala Qabto Dhinaca Dhaqaalaha, Waxbarashada, Caafimaadka iyo Biyaha, Weftiga Madaxweynaha oo weli ku Guda Jira kulamada ay la yeelanayaan Madaxda Wadamada isu-tagga Imaaraadka Carabta waxa ay Maalinta beri ah la kulmayaan Madaxda Imaarada Raasul Khayba markaa ka dibna waxa ay la kulmayaan kuwa Imaarada Kuwait ka dibna waxa sugaya oo Diyaar u ah Madaxweynaha iyo Weftigiisa inay kulan la yeeshaan Amiirka ka Taliya Wadanka Imaaraadka Carabta.

Kulamadaa kala Duwan ka dib marka uu madaxweynaha iyo Weftigiisu dhamaystaan waxay u sii Gudbayaan Wadanka Kuwait, Bookhashada uu Madaxweynuhu wadanka Imaaraadka ku joogo oo ay Xukuumadu u aragto inay Muhiimad wayn u leedahay Somaliland ayaana Sababtay in uu madaxweynuhu Doorbido kulamo kala duwan oo uu la yeesho Amiirada Imaaradaha Wadanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Ganacsatada Waa wayn, Shirkadaha si ay Dhamaantood Mid walba inta uu Danaynayo Ganac uu ka gaysto dhismaha Qaranka Somaliland iyo Baahiyihiisa kala Duwan ee uu qabo.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay dhinaca Xukuumadda Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *