Hargeysa(ANN)Afhayeenka Madatooyada Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cakuse), ayaa jawaab cad ka bixiyey hadallo ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Cabdi Gabboose oo uu ku taageerayey furashada ururrada siyaasadda iyo mowqifka xukuumadda

ee ku wajahan dhaqdhaqaaqyada isa soo taraaya ee furashada ururrada siyaasadda lagu doonaayo.
Md. Cabdillaahi Cakuse waxa uu sidaa ka sheegay mar uu u warramayey idaacadda VOA-da laanteeda Afsoomaaliga xalay, waxaannu caddeeyey inaanay xukuumaddu waqtigan ku hawlanayn furista ururro siyaasadeed, isaga oo dhanka kalena iftiimiyey in masuul kastoo xukuumadda ka mid ah uu ku khasban yahay go’aanka madaxweynaha fikirkuu doono ha ka aaminsanaado furashada ururrada siyaasadda.
“Maxamed Cabdi Gabboose waa Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, had iyo jeer safarradiisa inta aannu ognahay waxay la xidhiidhaan dhinaca amniga iyo la kulanka bulshada uu Wasiirka Arrimaha Gudaha u yahay. Waqtigan xukuumaddu kuma hawlana ururro cusub oo la furayo iyo kuwo cusub oo la diidayo, waayo guddi baa loo saaray. Guddigaas uun buu madaxweynuhu jawaab ka sugayaa inay talo ka keenaan. Laakiin, xaqiiqda meesha ka jirtaa waa xukuumaddani waxay leedahay madaxweynaha hoggaaminaya oo ah Md. Axmed Maxamuud Siilaanyo. Xubin kasta oo ka mid ah xukuumaddan waxay ku khasban tahay in ay u hoggaansanto go’aanka madaxweynaha ka soo baxa,” ayuu yidhi Md. Cabdillaahi Cakuse.
Afhayeenku waxa uu sidoo kale sheegay inay Imaraadka Carabta u joogaan sidii ay gacan weyn uga gaysan lahaayeen baahiyaadka aasaasiga ah ee bulshada reer Somaliland, isla markaana gacan aqoonsi buuxda u siin lahaayeen, una maalgashan lahaayeen dalka, waxaannu sheegay inay u kici doonaan dhinaca dalka Kuwayt, “Waxa safarkayagu ahaa in Imaraadka Carabtu wax nagala qabtaan dhinaca nolosha ijtimaaciga ah sida waxbarashada, biyaha iyo wixii la mid ah, waxaanuna la kulanay dadka ugu waaweyn Imaraadka Carabta, shirkaddo, ganacsato waaweyn oo awood u leh inay maalgashadaan, iyaguna waxay u sheegeen madaxweynaha inay wax kala qaban doonaan waddanka, intaa kadibna waxaannu u ambabaxaynaa waddanka Kuwayt,” ayuu yidhi Mr. Cukuse.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *