Hargeysa(ANN)Wefti balaadhan oo ka socda  Deeq bixiyeyaasha Caalamiga ah oo booqasho  ku jooga Somaliland, ayaa maanta kor-meer ku soo maray xarumaha shirkadaha Dahabshiil iyo SOMTEL ee magaalada Hargeysa, isla markaana waxay kulan la yeesheen Masuuliyiinta sar sare ee shirkada.

Weftigan oo kor-meerkooda ku soo maray Laanta 1-aad ee Gargaar  ee Dahabshiil iyo xarunta shirkada isgaadhsiinta ee SOMTEL, ayaa ka dib Kulankan dhex-maray labada dhinac, waxa weftiga xog-waran guud oo ku saabsan shirkadaha siiyey Maareeyaha Guud ee shirkada Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid, oo weftiga Qaadhaan-bixiyaasha   tafaasiil ka siiyey adeegyada kala duwan ee ay bixiso Shiradaha  Dahabshiil iyo SOMTEL, isla markaana waxa uu si gaar ah u tibaaxay in Shirkada Dahabshiil ay guud ahaan Caalamka oo dhan ka hawl-gasho.

 

 

 

Mareeyuhu waxa uu Weftiga u sheegay in shirkada Dahabshiil ay u shaqayso qaab caalami ah, isla mar ahaantaana  ay bixiso adeegyo ay ka mid yihiin adeegga xawilaada lacagta, Sarrifka, E-cash-ka iyo Bangiga.

 

 


Sida oo kale Maareeyuhu waxa uu weftiga uga waramay inay dhawaan waddanka ka hirgeliyeen shirkadda isgaadhsiinta casriga ah ee SOMTEL, oo uu xusay inay bixiso guud ahaan ageegyada isgaadhsiineed.
Weftiga, ayaa dhinacooda si weyn u soo dhaweeyey adeegyada shirkadaha Dahabshiil iyo SOMTEL u qabtaan, isla markaana waxa ay ku tilmaameen inay qayb ka yihiin horumarka Somaliland.

Geesta kale Maareeyaha Guud ee shirkada Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Shirkada, waxa ay galabta kor-meer ku soo mareen xarunta Hay’adda Shaqaalaha dawlada ee ay ka socoto Carwada 5-aad ee Ganacsiga Somiland, oo maraysa maalintii saddexaad.

Dhinaca kale wefdigan oo ah mid balaadhan ayaa shalay booqday xarumaha Biyo soo saarka magaalada Hargeysa ee geed deeble iyo goobo kale.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *