Hargeysa(ANN)Wasiirka Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa shaaca ka qaaday qorshe cusub oo xukuumadu ku doonayso in lagu ogaado dakhliga dalka iyo magaalo kasta dakhliga rasmiga ah ee kasoo xeroon kara. Sidoo kale wax uu sheegay inay xukuumadu qorshaysan tahay

 inay   sanadka fooda inagu soo haya ee 2011-ka ay  kordhin doonto miisaaniyad sanadeedka qaranka.
 
Wasiirka Maaliyadu wuxuu sidaa ka sheegay kulan maanta ka furmay Huteelka Imperial ee magaalada hargeysa, kaas oo ujeedadiisu  ahayd  dib u habaynta iyo Horumarinta Miisaaniyada qaranka. Kulankaa  oo socon doona muddo laba maalmood  ah waxaa ka qeyb galay agaasimeyaasha waaxaha wasaaradda,  Hanti dhawraha guud iyo Xisaabiyaha guud ee qaranka,  masuuliyiin ka socday Wasaaradda Qorshaynta qaranka iyo aqoonyahano ku xeel dheer dejinta iyo habaynta dakhliga iyo miisaaniyadaha .
 
Wasiir Maaliyaha  Somaliland Eng, Maxamed Xaashi Cilmi oo furitaanka kulankaa hadal ka jeediyay, wuxuu isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Waxaad ogtihiin in aynu sannad walba miisaaniyad samaysano, waad ogtihiin oo miisaniyadihii aynu samaysan jirnay waa wax aad u yar,  marka loo eego ummadeena. Waliba waxa intaa inoo dheeraa wax horumar ahi kumay jirin, horumar la’aantaasina waxay keentay dhibaato badan, sababo badanna way leedahay oo ay ka mid yihiin shaqaalaha oo aan daryeel ku filan lahayn oo mushaharkoodu yar yahay, waxa kale oo ka mida sababahaa cashuuraheeni oo aynaan wada urursan karin  oo aynaan awoodaa u lahayn iyo sharciyadii oo iyana inaga kala dhinaa.”
 
Wasiirka oo ka hadlaya qorshaha miisaaniyada sannadka fooda inagu soo haya  waxa  uu yidhi, “Waxaan rajaynayaa sannadka 2011-ka in arrimo badan aynu wax ka bedeli karno, meelo badan oo aanay waxba inaga soo geli jirinna way jiraan oo lacag badani inaga soo geli lahayd, waxa ka mida Cashuuraha Berriga oo aad u yaraa oo ahayd ta inta badan miisaaniyaddu ay ahaan lahayd oo ay inaga soo geli jireen 8%,  shirkadaha waawayn ee isgaadhsiinta oo ay hada 0.1% inaga soo gasho, tijaarta waawayn oo aan waxba laga qaadin, xawaaladaha oo 0.1% ay inaga soo geli jirtay, Dekeda oo ay inaga soo geli jirtay 0.7% oo iyana aad u yar  oo ahaan lahayd ta saddexaad ee miisaaniyadda Waxa aynu ku dhaqdhaqaaqnaa waa cashuuraha kastamada. Markaa waxaan filayaa arrimahaa in aynu wax ka bedelnaa inay waajib noqotay oo sannadka soo socda ee  2011,  aynu ku xisaabtano inaynu sharciyadii dhamaystirano, sidii aynu wax u urursan jirnayna aynu wax badan ka bedelno.”
 
 
“Waxaanu ku tallo jirnaa sannadka soo socda in aanu xafiisyadii loo baahnaa aanu ka wada furno gobolada iyo caasimada, in aanu isticmaalno GIS-ka ay Hay’adda Habitayt   samaysay oo suura gelinaya in guryihii  tirsan yihiin, taasi waxay awood inoo siinaysaa in aanu ogaano dakhliga magaalo kasta inaga soo geli kara ee aynu ku xisaabtami karno aynu ogaano, Waxaanu rajaynaynaa in sannadka soo socda ee 2011 aynu samaysano miisaaniyad ka wayn tii hore.
,”ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.
Qorshaha uu ka dhawaajiyay wasiirka maaliyaddu ayaa haddii uu hirgalo noqonaya mid si weyn wax uga bedelaya qaab xisaabeedkii iyo miisaaniyadihii hore looga bartay wasaaradda maaliyadda xiligii xukuumaddii hore, kuwaas oo inta badan ahaa kuwo aan ku dhisnayn xaqiiqda dakhliga rasmiga ah ee dalka, balse ahaa oo keliya waxyaabo xisaabaad indha sarcaad ah oo aan malaayiin doolar ah, balse ku dhamaada iyadoo aan la xaqiijin sida ay u baxeen iyo inay soo wada bexeen mala awaalkii la shaxeeyay, kuwaas oo aan lahayn wax horumarin ah, isla markaana aan wax xisaab celin ah lahayn. Iyadoo la xusuusan yahay inay sanadkii hore xukuumadii tan ka horaysay sheegtay inay miisaaniyada 2010 noqonay in ka badan 360Bilyan, balse aan weli la hayn halka ay ku danbaysay lacagtaasi, iyadoo taa bedelkeedana xukuumadii hore oo badhtamihii sanadkan lagala wareegay xilka. Kadib markii doorashadii lagaga guulaystay ay wareejisay khasnado faaruqa iyo deyn ku dhowaad 200Bilyan S/sh, taas oo ka badan ku tala galkii miisaaniyadii ay sheegaty  lixdii bilood ee hore ee sannadka.
Haddii aad awoodo halkan hoose  Ka faalood aragtidaada qorshaha xukuumada cusub ee uu ka dhawaajiyay wasiirka maaliyadda Somaliland. Sidaad u aragtaa akhriste. Fadlan halkan ku qor rayigaaga kadibna dir. Waxa la daabacayaa oo keliya haddii aad codsato.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *