Hargeysa(ANN)Guriga uu degan yahay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Cawil Cali Ducaale ayaa maanta dil ka dhacay. Kadib markii tacshiirado rasaas ahi ka dhaceen saaka barqadii. Sida ay shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyeen warar ku dhow dhow guriga cawil ,

waxayna warar xog ogaali u sheegeen shebekada Araweelonewsin  tacshiirada rasaasta ee ka dhacady guriga uu degan yahay wasiirkii hore ee maaliyada Cawil Cali Ducaale oo ku yaala dhinaca woqooyi ee xaafada shacabka  uu ku geeriyooday mid ka mid ah Ilaaladiisa oo magaciisu ahaa Muuse Bidhiidh Khadar oo lagu qiyaasay 26 Jir . Kadib markii ay haleeshay rasaas ka dhcaday guriga wasiirkii hore ee maaliyada Cawil.
Ma jiraan warar xaqiijinaya sababta uu dilku u dhacay  iyo cida rasaasta dhimashada keentay riday, waxaana jira warar sheegaya inay laba ka mid ah Askarta Ilaalada wasiirkii hore is afdhaafeen. Kadibna ay rasaas isku fureen sidaana uu ku dhinatay marxuumka geeriyooday, lama garanayo inuu khasaarahu intaa ka badanyahay, iyadoo ay jiraan warar sheegaya inuu dhaawac soo gaadhay mid kale oo ka mid ah Askarta Ilaalada wasiirkaa hore, isla markaana  dhawr goor oo aanu isku dayanay inaanu wax ka weydiino arrintaa wasiirkii hore iyo saraakiisha Bilayska ayaanay  noo suurta gelin.
Marxuumka ayaa maydkiisa la keenay maanta barqadii cusbitaalka guud ee Hargeysa, waxaana la sheegay in lala sugayo qoyskiisa. Si markaa ka dib loo aaso maydka marxuumka.
Wixii kasoo kordha falkaa kala soco shebekada wararka ee araweelonews.com

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *