Buuhoodle(ANN)Wefdiga Reer Buuhoodle ee Uu horkacayay  hogaankii kooxda  SSC Dr.  Saleebaan Ciise (Xaglotoosiye) iyo Maxaabiis lagasii daayay xabsiyada magaalooyinka Burco iyo Barbara, ayaa gaadhay galabta deegaankaa, kuwaas oo lagu qabtay dagaalo ka dhacay

deegaankaa mudooyin hore.

Saleebaan xaglo-toosiye iyo wefdiga odayaasha ee la socday oo waday maxaabiistaa lagu qabtay dagaalo marar kala duwan ka dhacay deegaankaa oo u dhexeeyay Ciidanka qaranka Somaliland iyo malayshiyada deegaanka Buuhoodle, ayaa xal laga gaadhay sidii loo soo afjari lahaa, taas oo sababtay inay xukuumadda Somaliland sii deyso maxaabiistaa, isla markaana dib looga qaado ciidanka qaranka meelaha ceelasha biyaha ee ay fadhiyeen ee deegaankaa, si dadka xoolo dhaqatada ahi fursad ugu helaan inay ka cabaan ceelashaa.
Sida ay sheegayaan dad kala duwan oo ku sugan deegaanka, talaabada nabadeed ayay si weyn usoo dhoweeyeen dadka Buuhoodle, waxayna wefdiga kaga hortageen meel qiyaastii 25km dhinaca woqooyi kaga began Buuhoodle, kuwaas oo muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin xal u helida soo afjarida colaada deegaanka.
Saleebaan xaglo-toosiye, ayaa meel fagaare ah kala hadlay markaa ka dib dadka reer Buuhoodle, wuxuuna  shacabka Buuhoodle ugu baaqay in ay ajiibaan baaqa nabadeed ee ay soo jeedisay xukuumadda Somaliland ee ay aqbaleen hogaan ahaan iyo odayaal ahaan,  isla markaana wixii tabasho ah lagu  dhameeyo Nabadgalyo Waarta oo laga gaadho deegaanka Buuhoodle.
Sidoo kale wuxuu u mahadnaqay waftidii xukuumadda  somalilnd ee sida kalsoonida iyo walaaltinimadu ku dheehantahay ugusoo dhaweeyey guud ahaan deegaamadii ay tageen, isla markaana qaatay go aamadii ay usoo bandhigeen, taas oo uu sheegay inay tahay mid muujinaysay sida ay xukuumadda Somaliland u doonayso nabada oo qof walba ay dani ugu jirto.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *