Hargeysa(ANN)Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland,  ayaa caawa si ramsi ah u mudeeyay xiliga la qabanayo doorashada goleyaasha deegaanka dalka. kadib markii ay golayaasha Baarlamaanku ansixiyeen xeerka doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo madaxtooyada

 

oo muran ka taagnaa,  taas  oo ay u mudooyeen  in la qabto bisha 28 November, 2012.
Sidaana  waxay Gudida doorashooyinka Somaliland ku sheegeen shir jaraa’id oo uu caawa fiidkii ku qabteen  Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, kaas uu ka hadlay  Afhayeenka Komishanka doorashooyinka qaranka Maxamed Axmed Xirsi (Geelle).
“Goleyaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo wakiiladdu waxay ansixiyeen  maalmihii ina dhaafay xeerkii doorashada oo Madaxweynahu u gudbayay, sidaa awgeed waxaanu  garanay inaanu cayino xiliga ay qabsoomayso doorashada deegaanku. Iyadoo ay noo soo dhamaadeen shuruudihii iyo asbaabihii ay u baahnaayeen qabsoomida doorashadda oo kala ahaa dhaqaalaha, in la helo sharcigii, iyo in la helo farsamadii lagu galayay doorashada,”ayuu yidhi Afhayeenka dooorashada Goleyaasha deegaanka.
Afhayeenka komishanka oo ka hadlaya mudada ay u cayimeen doorashada golayaasha deegaanka, wuxuu yidhi,  “Komishanka doorashada Goleyaasha deegaanku waxay si rasmi ah u go’aamiyeen xiliga la qabanayo doorashooyinka goleyaasha deegaanka oo uu cayimay inay qabsoonto maalinta Arbacadda ee 28-ka November 2012-ka oo ku beegnaan doonta 14-ka Bisha Muxaram ee 1434 ee taariikhda Hijriyadda Islaamka.”
Afhayeenka Komishanka doorashooyinka qaranka Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) waxa uu sheegay in komishanku ay go’aamiyeen inay cayimaan doorashada Goleyaasha deegaanka ka dib markii sida uu sheegay labada aqal ee baarlamaanku ay meel mariyeen lifaaqii shanaad ee xeerka doorashooyinka oo jidaynaya in Murashaxiinta doorashada deegaanka loo sameeyo Lambaro Astaamo u noqon doono.
Afhayeenku waxa uu intaa ku daray in qaadhaan-bixiyeyaasha caalamka ee Somaliland ka taageera dhaqaalaha doorashooyinka iyo kobcinta Dimuqraadiyadu ay aqbaleen inay bixiyaan kharashaadkii doorashada lagu suurto gelin lahaa oo dhan 75%, halka xukuumadda Somaliland-na ay hore u shubtay dhaqaalihii l25% ahaa ee ay xukuumaddu ku bixiso doorashooyinka.
Maxamed Axmed Xirsi waxa uu xisbiyada iyo ururadda siyaasadda usoo jeediyay inay u diyaar-garoobaan doorashada deegaanka, isagoo tilmaamay inay wakhtiyo cayiman axsaabta iyo ururadda siyaasadu ay ku soo gudbiyaan murashaxiinta doorashada goleyaasha deegaanka.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *