Nairobi(ANN)Ciidamada Dalka Uganda, ayaa baadi goobaya Diyaarado nooca Milateriga ee nooca loo yaqaan Helicopter, kuwaas  oo laga soo diray dalkaa, isla markaana la doonayay inay ka qayb qaataan hawlgalada ciidamada

 

AMISOM ee ku sugan Somalia.
Sida ay sheegayaan saraakiil ka tirsan Ciidamada Uganda, waxa diyaaradahaa oo tiradoodu ahayd Afar la waayay  Sadex Helicopte oo ka mid ahaa diyaaradahaa  oo ay la socdeen  ku dhowaad 30 ka tirsan ciidanka Uganda ee Cirka oo isugu jira Sarkaal iyo farsamo yaqaano kuburo ah.
Saraakiisha Uganda ayaa sheegay inay diyaaradahaa oo la filayay inay shidaal ka qaataan dalka Kenya, gaar ahaan degmada Wajeer la waayay. Kadib markii mid keliya ay ku degtay halkaa, waxayna sheegeen inay lumen diyaaradaha la la’yahay, isla markaana la baadi doonayo oo ay suurta gal tahay in la helo, balse  warar kale ayaa sheegaya inay suurta gal tahay in diyaaradahaa ay soo rideen kooxda ka dagaalanta Soomaaliya ee Al-shabaab, kuwaas oo tan iyo intii ay dagaalada ka socda dhinaca jubooyinka ee xadka ay Somaliland iyo Kenya wadaagaan oo ay ciidamada Kenya hawlgalo ka fuliyeen lagaga soo riday dhawr diyaaradood. Laakiin ma jiraan warar la xidhiidhaa diyaaradahaa oo kasoo baxay dhinaca Al-shabaab.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com    
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *