Qaahira(ANN)-Wefdiga Somaliland ee  uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha debeda Somaliland ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay xarunta dalka Masar ee Qaahira. Kadib markii ay maanta gaadheen halkaa. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay  safarka wefdigaa xukuumadda, waxay maanta la

 

kulmeen masuuliyiin sare oo ka tirsan dawladda cusub ee Masar.
Sidoo kalena waxa la filayaa inay wefdiga xukuumadda Somaliland maalinta beri ah la kulmaan wasiirka arrimaha debeda dalka Masar.
Qoraalka kasoo baxay socdaalka wefdiga ee lagu sheegay masuuliyiinta ay ilaa hada la kulmeen iyo kuwa ay u qorshaysantahay inay la kulmaan ayaa u qornaa sidan:-  “Wasiirka Arrimaha Debeda, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa si heersare ah loogu soo dhaweeyey Qaahira oo ay maanta ka degeen waxaana gegida diyaaradaha ku sugaayey oo ka horyimid Dublamaasiyiin iyo masuuliyin ay horkacaysay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Debeda ee qaabilsan Africa ee Dalka Masar, Mona Omar oo uu weheliyo Safiirka Dalka Masar ee Somaliya iyo Somaliland Ayman Magdi Labada Wasiir oo ay gelbinayaan masuuyiin sarsare oo u badan wasaarada khaarajiga ee dalka masar ayaa la dejiyey halkii loogu talo galay oo maqaamsare leh.
Weftiga Somaliland ayaa la filayaa in maalinta beriya kulamo la yeeshaan madaxda dawlada masar oo uu ugu horeeyo wasiirka arrimaha debeda ee dalkaasi
Socdaalka uu weftiga Somaliland ku tegay dalka masar ayaa ah mid qiimo weyn ugu fadhiya xidhiidhka ay Somaliland la yeelanayso wadamada carbeed iyo kuwa Afrikaba iyadoo ay u muuqato in ay Somaliland ka faa’iidaysanayso isbedelka ka dhacay dalka masar waxana la ogyahay in ay dawlada masaaridu meel muuqata kaga jirto Saamayn weynaha ku leedahay guud ahaanba siyaasada Afrika iyo carabta oo ay tahay halka isku xidha.”ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay wefdiga uu hogaaminayo wasiirka arrimaha debeda ee Somaliland ee ku sugan dalka Masar.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *