Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Eng.  Maxamed Xaashi Cilmi ayaa markii u horaysay ka hadlay warar ilaa shalay si weyn warbaainta loogu shaaciniayay oo sheegaya inuu u gudbiyay Madaxweyne Siilaanyo iscasilaad uu xilka kaga tegayo. Kadib muran maalintii

 

Khamiistii lasoo dhaafay shirkii golaha wasiirada ku dhexmaray isaga (wasiirka Maaliyada) iyo Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Dr. Xuseen  Cabdi Ducaale.
Eng. Maxamed Xaashi  ayaa sheegay in laga heshiiyay wax uu ku tilmaamay khilaaf yar oo ka dhashay shirkii Golaha Wasiirrada ee khamiistii. Wasiirka Maaliyaddu wax faah faahin ah  kama bixin nuxurka uu khilaafkaa sababi gaadhay inuu xilka ka dego iyo waxa  uu ku saabsanaa, Hase yeeshee wuxuu si kooban u sheegay  in arrintaa laga heshiiyay, isla maraakan uu maanta xafiiskiisa si caadi ah u yimi oo shaqadiisa watay.
“Horta Arrintu wax weyn may ahayn waxay ahayd shirkii Golaha Wasiirradda, Golaha Wasiirradana waxbaa lagu naaqishaa, waa lagu murmaa waxbaa lagu heshiiyaa waa wax caadi ah oo dhaca ayay ahayd, arrintiina way iska dhamaatay wax dhibaato ahi ma jiro.waanigan shaqaynaya ee aad i arkayso,”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo la hadlay Telefishanka madaxa banaan ee Horn Cable TV.

Dhinaca waxa xalay soo baxay warar la xidhiidha arrintaa khilaafka iyo is casilaada wasiirka maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi oo sheegayay inay kulan saacado qaatay Madaxweynaha Somaliland ku yeesheen qasriga Madaxtooyadda Somaliland, kulankaa oo sida ay sheegeen tibaaxo kasoo baxay lagu dhameeyay arrinta khilaafka keentay, isla markaana uu ku qancay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi inuu shaqadiisa sii wato oo ka laabto iscasilaada uu Madaxweynaha u gudbiyay ee uu ka aqbalay. Iyadoo ay arrinta soo dhexgaleen gudoomiye xigeenka wakiiladda iyo xubno kale oo wasiiro iyo xildhaabno isugu jira iyo sidoo kale shaqsiyaad kale oo muhiim ah.

 

Hadalhaynta ilaa shalay ee wararka la xidhiidha iscasilaada wasiirka Maaliyadda ayaa rayalcaamka bulshadu siyaabo kala duwan fasiraado uga bixiyeen, iyadoo qaybo baddan oo ka mid ah Bulshadu soo dhoweeyeen, halka qaybo kalena  anay jeclaysan inay dhegehoodu maqlaan iscasilaada wasiirkaa oo ka mid ah xubnaha ugu miisaaanka weyn xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Waxayna dad baddan xusuusisay sheekada wasiirka Maaliyaddu todoba sanadood ka hor 11 May  2004 xiligii Maamulkii madaxweyne Daahir Rayaale oo u magcaabay Eng. Maxamed Xaashi Wasiirka ganacsiga muran iyo khilaaf sidan oo kale ka dhashay shirkii golaha wasiiradda  ee xukuumaddii Rayaale. Kadib markii Maxamed Xaashi oo ahaa Wasiirka Ganacsigu mashruuca miisaaniyadeed oo ahaa ajandaha golaha wasiiradda horyaalay  dul keenay Miisaaniyad uu keligii jeebka ku sitay, taas oo uu shirkii golaha wasiiradda ku qaybiyay , isla markaana ku dooday in la tuuro Miisaaniyaddii wasiirka Maaliyadda ee xiligaa Rayaale  Cawil Cali Ducaale soo diyaariyay oo golaha wasiiraddu naaqishayeen, balse Miisaaniyada uu wasiirka ganacsigu u qaybiyay golaha wasiiraddu ka abuurtay kulankaa buuq iyo sawaxan, taas oo ugu danbayntii uu xilkiisa ku waayay Eng. Maxamed Xaashi  oo ahaa wasiirka ganacsiga. 11 May  2004. Kadib markii Madaxweynihii xiligaa Daahir Rayaale shaqada ka reyay, isagoo la shaqaynayay 11 bilood oo keliya. Waxayna sheekada soo baxday khamiistii ee iscasilaada Maxamed Xaashi noqonay mid dad baddan xusuusisay todoba sanadood ka hor murankii shirka golaha wasiiradda iyo mudada xukuumadda Siilaanyo oojirtay sannad iyo afar bilood oo keliya.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *