Hargeysa(ANN)Shirkadda  isgaadhsiinta TELSOM ayaa maanta soo bandhigtay adeeg cusub oo la magac baxay KAAFI, kaas oo ay sheegeen inuu yahay mid  Macaamiisha shirkadda Telesom u fududaynaya inay si dhibyar  lacagtoodda ugala baxaan

Mobile-ka, gaar ahaan macaamiisha hore u isticmaali jiray ee uu u faran yahay adeega Zaad, oo ah adeeg lagu kala xawisho lacagta kalla duwan ee dalka gudihiisa.
Xafladdii furitaanka oo lagu qabtay Xarunta Guud ee Shirkadda Telesom ku lee dahay Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay madaxadda Shirkadda, Masuuliyiinta ugu sarsareysa Adeega ZAAD iyo Salaam.
Ugu horeyn waxa Daahfurka adeegan cusub ka hadlay Maxamed Ibraahim oo ah isu duwaha adeega Salaam, waxana uu warbixin kooban ka bixiyay adeega Salaam uu bixiyo, isagoo yidhi,  “adeeg cusub ee salaam ku soo kordhiyay waxan jeclaa marka horre inaan warbxin kooban idinka siiyo salaam. Salaam waa xarun,  ama waa hay’ad maaliyaddeed oo u shaqaysa sidday u shaqeeyaan rugta xurmaha kale ee caalamka, waxa la furay xaruntu adeega Salaam muddo haatan laga joogo laba sanno iyo dheeraad, adeeganina waa adeeg maaliyaddeed marka horre macmiilka waxa uu u fududaynayaaa in uu ka aqbalo dhigaal, adeegan markasta wuu qaadan karraa,waadna la socon kartaa halka uu maryso xisaabtaaddu”.

Maxamed Ibraahim waxa uu sheegay in adeegyada uu qabto Salaam ay ka mid tahay  maalgashi cida buuxisa shuruudaha looga baahanyahay, isagoo yidhi,  “Adeegyadda uu qabto salaam waxa ka mid ah in uu bixiyo maalgashi, waxana ay siisaa cidkasta oo ka soo baxdda shuruudaha loga baahan yahay, xaruntan waxa kareeban wax kasta oo ribo ah, waxana uu ku salaysan yahay shareecadda diinta islaamka” Ayuu yidhi
C/qani Xariir oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in waxtarka uu lee yahay adeegani ay badan tahay waxana uu sheegay in meel kasta oo uu ka shaqaynayo shirkadda Telesom in aad isticmaali kartid adeegan.waxana uu sheegay in adeegani uu fududayn karro Saf dheer ama Kayuu aad ugali lahayd in aad xawishid lacag.
C/raxmaan Aadan Shirre, oo ah Madaxa adeega ZAAD oo ugu danbeyntii munaasibadaa bandhiga ka hadlay ayaa yidhi,  “Telesom waxay noqotay shirkaddii Afaraad ee caalamka ku soo kordhisa adeega lacageed ee Mobile,  Bangiyadu waxay ka shaqan jireen caalamka,  balse waxa halkii bangiga badalay waxa la yidhaaddo Mobile Money adeegan ee telesom u soo gudbisay macaamiisheeddeena waa horumar ay gaadhay.”
Gabgabaddii waxa uu madaxa ZAAD baaq u diray shacabka Somaliland, isagoo  ku waaniyay inay ka faa’iidaystaan adeegan “Waxan jecelahay inaan maanta halkan ugu baaqo shacabka Somaliland oo aan u sheego ZAAD oo aad ku nasateen ayaa waxay idiin keentay adeega  la yidhaahdo KAAFI,  waxana aan lee yahay kusoo dhowaadda, runtii adeegani waa mid aad ku nasan doontaan” ayuu yidhi C/raxmaan Aadan Shirre
Adeega KAAFI  lagu magcaabo ee ay soo bandhigeen Telesom ayaa ah mid ku cusub shacabka Somaliland, kaas oo ay sheegeen inuu yahay  adeeg  kuu suurta gelinaya inaad si hawl yar u dhigan kartid  lacagtaadda, adiga oo isticmaalaya Mobile kaaga, waxana uu fudadaynayaa in aad wakhti hawl yar ku qaadan kartid lacagtaadda, kuna dhigan kartid, sidoo kale waxa uu kuu fududaynaa inaad la socon kartid hadhaagaaga iyo inta kuugu jirta khasnadaadda adiga oo jooga gurigaaga. Sida ay sheegeen saraakiisha maamulka Salaama.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *