IMG_0030Hargeysa(Araweelo News Network) Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland 

Xirsi CalI Xaaji Xasan ayaa kormeeray wadadda isku xidha Wajaale iyo Kalabaydh oo gebogebo ku dhow.

Xubnaha kormeerka ku weheliyay Wasiirka Madaxtooyadda, waxa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyada, Maareeyaha Wadooyinka Somaliland (RDA), Prof: Xasan Cali Cismaan, Xildhibaano ka mid ah xildhibaanada laga soo doortay gobolka Gabiley ee Golaha wakiilada ka midka ah kana mid ahaayeen Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe (kacaan), Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cige (black), iyo maamulka gobolka Gabiley oo ay horka-cayaan Gudoomiyaha Gobolka Yuusuf Ibraahin Geedi (Yamaarug), Maayarka Degmada Gabiley Mudane Shucayb Maxamed Muuse, Xildhibaano ka mida Golaha deegaanka Gabiley iyo Xoghayaha Dawlada Hoose ee Gabiley, Mudane Cabdiraxmaan Nuur Abokor.

 

Ayaa maanta waxay kormeer ku soo galaabixiyeen Wadada beryahanba socotay ee kala baydh ilaa wajaale oo maanta la dhamaystiray 2KM oo ka mid ah halka 4 KM oo kalena loo diyaariyey in la shubo isla beriba iyada oo wadada la gaadhsiiyey Duleedka Wajaale oo la baro sidii balanku ahaa in-inta bishan ka dhiman lagu dhamaystiro lagana faraxasho oo laga jaro xadhiga hadii eebbe qadaro.

 

Waxaana halkaasi ka hadlay dhamaan masuuliyiinta aan kor ku soo xusan, sidoo kalena waxa halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah ganacsatada Tog-wajaale oo muujiyey Dareenkooda sida uu sheegay Mustafe Sheekh oo ka mid dadweynaha deegaanka ku ah degmada wajaale  isagana goosha Gobolada Berbera, Hargeysa, ilaa Wajaale isaga oo sheegay inuu ku dhashay wajaale una soo taagnaa wajaale iyo kala- baydh oo loo kala dhaxo 4 habeen balse nasiib wanaag uu habeenkii xalay ahaa ka soo baxay Berbera isla saacada geeska afrikana markay ahayd kowdii habeenimo uu ku soo hoyday gurigiisa oo ku yaala degmada wajaale taasi oo uu sheegay inay tahay horumarka laga gaadhay dhanka wadooyinka isaga oo mahadnaq balaadhana u soo jeediyey xukuumada gaar ahaana uu si gaara ugu mahadnaqay wasiirka wasaaradda madaxtooyada oo marwalba dultaagan kana war haya habsami u socodka wadooyinka dalka.IMG_0013

 

 

Waxa xusid mudan oo wasiirka madaxtooyada iyo Maareeyaha wadooyinku ay mahadnaq balaadhan u soo jeediyey shaqaalihii u dibjiray ee wakhtigooda iyo xoogoodaba geliyey qaar ka midina ay u dhaawacmeenba sidii wadadani ay ku hirgeli lahayd una noqon lahayd mid wakhtigii loogu talo galay ku dhamaata taasi oo ku tusaysa ayuu yidhi wasiirku in ay reer Somaliland iyo Muwaadiniintooduba ay ka go’an tahay in dalkani is wada gaadho.

 

Waxaanu wasiirku caafimaad sareecana alle uga baryey muwaadinka ku dhaawacmay shaqada kasocota kala-baydh iyo wajaale.

IMG_0011

 

halkan ka dhageyso codka masuuliyiinta

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *