Guurtida1Hargeysa(Araweelo News Network)Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa fadhigii Golahaasi oo loogu balansanaa Maalinta Berri ah dib u dhigay, ka dib markii ay golaha Guurtidu

 

codsi kaga dalbadeen in fursad loo siiyo dhexdhexaadinta ay doonayaan in xal loogu helo khilaafka golaha wakiiladda.
Codsiga Golaha Guurtida oo uu ku saxeexnaa Ku Simaha Guddoomiyaha Golaha Guurtida,ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali oo maanta loo gudbiyay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ayaa  lagu sheegay in ujeedadiisu tahay si fursad loogu helo xal u helida khilaafka golaha.
Guurtida1Qoraalkaku simaha  Gudoomiyaha Golaha Guurtida, isla markaana ah Gudoomiye xigeenka Koowaad, waxa si deg deg ah uga jawaabay Gudoomiyaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) , wuxuuna qoraal jawaab u ah codsigaasi ku war geliyay Golaha Wakiilada in la fasaxay laga bilaabo maalinta beri 18 February  uu aqalkaasi fasax ahaan doono ilaa 25-02.2014 ee bishan aynu ku jirno. Sidaana ay ula socdaan mudanayaasha golaha wakiiladda Somaliland.
Golaha wakiiladda oo khilaafkiisu cirka isu shareeray, isla markaana weli aan wax xal ah loo hayn, ayaa la filayay in maalinta Beri ay yeeshaan fadhigii 17aad, iyadoo ay jireen warar sheegaya in mudanayaasha kasoo horjeeda Gudoomiyaha ee doonaya in la aqbalo mooshinka ay wataan ee golaha yaala lagu kala calafqaado.
Lama ogga sida ay golaha guurtidu wax uga bedelikaraan mawqifyada iska soo horjeeda ee laba kooxood ee goluhu u qaybsanyahay, kuwaas oo gudiyadii ay u saareen ku kala kaceen fadhigii u danbeeyay.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *