Hargeysa(ANN)Wasiirka Ingiuriiska u qaabilsan Arrimaha Afrika Henry Belling-ham , ayaa maanta khudbad ka jeediyay Golaha Wakiilada Somaliland, waxaanu kaga hadlay xidhiidhka iskaashi ee labada dal, isagoo sidoo kalena kulan saacado qaatay Qasriga Madaxtooyada Somaliland kula

 

yeeshay Madaxweynahe Siilaanyo.
Wasiirka Britain u qaabilsan Afrika Mr.Henry Bellingham waxa uu sheegay in marka la eego markabkii weynaa ee dalkiisu lahaa ee 7-dii bishan July ku soo xidhay Marsadda Berbera iyo is dhaafsiga iyo wufuudii ay is dhaafsadeen labada qaran sannadkii ugu dambeeyay ay ka turjumayso horusocodka iskaashiga Somaliland iyo Britain.


Mr. Bellingham waxa uu ka hadlay doorka ay Somaliland ka qaadan karto la dagaalanka Budhcad baddeeda
“Somaliland waxay door muhiim ah ka qaadan karaan la dagaalanka Argagixisada iyo budhcad baddeeda.dhacdooyinkaasi waa qaar waxyeelayn kara dhammaan arrimaha Soomaalida, Geeska Afrika iyo United |Kingdom tusaale haddii aan u soo qaadano halbowlaha ganacsiga badda cadmeed waa mid furre u ah istaraatajiyada dhaqaalaha caalamiga ah,”ayuu yidhi Wasiirku.
Waxaanu ku dooday “Waxa la qiyaasay budhcad baddeednimada ka taagan Geeska Afrika ay dhaqaalaha adduunka ku hayso khasaare illaa toban kun oo Malyuun oo dollar. Waa lagama maarmaan in wadooyinka badduhu ay furnaadaan, Ganacsiguna uu si xidhiidhsan u socdo.”
Wasiirka Arrimaha Afrika waxa uu faahfaahin ka bixiyay gargaarka Britain ay siiso Somaliland waxaanu yidhi “Gargaarka Britain ay siiso Somaliland waxa uu kordhi doonaa afar laab afarta sanadood ee soo socda. Waxa kale oo ka mid ah rajada shaqo abuuris muddo dheer socota iyo maalgelinta In la kobciyo fursada horumarka dalka.|
“Markii aan saaka la kulmay Madaxweyne Siilaanyo waxaan ku heshiinay iskaashi maalgelin gudaha ah oo ku dhisan wada hadaladdii aanu hore u yeelanay. Dawladaydu waxay doonaysaa inay ka caawiso Somaliland inay keenaan firfircooni iyo kobcin cusub taasi ayaa dhalisay inaanu bishii March ee la soo dhaafay aanu ku qabano magaalada London barnaamij maalgelin loogu tallo-galay Somaliland,”ayuu yidhi waxaanu intaasi raaciyay “Taasi ayaa markaa indhaha u furtay dadka doonaya inay maal gelin ku sameeyaan dalka, waana in laga damaanad qaadaa inuu jiro jawi nabadeed si loo wadi karo oo ay maalgelintu u socoto. Waa sababta dawladaydu in ka badan Boqol Malyan oo Gini ay u gelinayso dalkan (Somaliland) afarta sanadood ee soo socota kaasi oo ku xidhan waxa ka soo baxa maamulka iyo cadaalada oo la hagaajiyo, lana daryeelo Soomaalida jilicsan lana abuuro deganaanshaha gudaha oo lagaga hortago soo faro gelinta kuwa xag jira iyo khilaafyada.”
Wasiirka Ingiriisku waxa kale oo uu tilmaamay in dalkiisu uu sii wadayo taageerada uu ka geysto dhaqaalaha ku baxa doorashooyinka Somaliland waxaanu carabka ku dhuftay in labada dal ay garbaha is qabsanayaan.
“Maanta Geeska Afrika kama hadli karo anigoo aan soo qaadin dhibaatada ba’an ee abaarta saamaynaysa gobolkan oo ay ku jirto Somaliland,”ayuu yidhi Wasiirka Ingiriisku
Waxaanu intaasi raaciyay “Koonfurta Soomaaliya waxa ka jira abaar ba’an halkaasi oo rag, haween iyo carruurba ay gaajo ugu dhimanayaan waxaanay taasi cadaynaysaa sida xaaladdu khatar u noqotay. Waa masiibo muhiimad caalami ah leh qaranigan 21-aad macaluul badan ayaa mar kale ka dhacday gobolkan.”
“Britian door Hoggaamineed ayay ka qaadaynaysaa gurmadka lagu badbaadinayo nolasha dad ka badan laba malyan oo qof oo ay ku jiraan 500 oo kun oo Soomaaliya jooga, arrintaasi ay Britain bilowday waa inay dawladaha kale ku daydaan sidii loo caawin lahaa dadkaasi aadka u baahan. Waxaan jeclahay inaan ku ammaano dadka Somaliland ee gacanta siinaya walaalahooda Soomaaliyeed. Wada shaqaynta caynkaasi ahi waxay xoojinaysaa aasaaska xasiloonida gobolka,”ayuu yidhi Belling-ham.
Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta ku qaabilay Wasiirka Africa u qaabilsan Britain iyo xubnaha wefdigiisa Qasriga Madaxtooyada Somaliland. Kulankaa ka dib qoraal saxaafada loo qaybiyay oo kasoo baxay xafiiska Af-hayeenka Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa si kooban loogu sheegay waxyaabaha lagaga wada hadlay, wuxuuna qoraalka Madaxtooyadu   u qornaa sidan:- 
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti uu hogaaminaayo Wasiirka Afrika u Qaabilsan Dawlada Ingiriiska MR.HENRY BELLINGHAM.

Madaxweynuhu waxa uu Wasiirka iyo Weftigiisa uga Waramay Xaalada siyaasadeed, Dhaqaale, iyo Nabad-gelyo ee Jamhuuriyada Somaliland, wuxuuna si  weyn ugu mahad-celiyey Doorka ay dawladda Ingiriisku ka qaadato horumarka kala gedisan ee ka socda Dalka.

Madaxwenuhu waxa uu si Mugleh uga waramay hawl-galada la xidhiidha iskaashiga horumarka ee ka dhexeeya dawladda Britain iyo Somaliland oo saamayn weyn ku leh adeega shacabka Somaliland ee ay ka mid yihiin Caafimaadka, Waxbarashada, Cadaalada iyo Nabad-gelyada oo ay gargaar dhaqaale iyo mid farsamo  ku bixiso dawladda ingiriisku.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay sida ay dawladda ingiriisku u balaadhinayso una kordhinayso dhaqaalaha ay u qoondayso horu-marka Somaliland.

Waxa kale oo madaxweynuhu ku dheeraaday qorshaha Xukuumada Somaliland ee mustaqbalka, lana xidhiidha ka midho dhalinta baahida aasaasiga ah ee shacbiga somailand iyo Adkaynta Nabad-gelyada Qaranka Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Afrika ee Dawladda Ingiriiska oo isna Halkaa hadal ka jeediyey ayaa ku amaanay shacabka iyo Xukuumada Somalilandba dedaalka ay ugu jiraan horu-marinta noloshooda, sugida Amniga, iyo wada shaqaynta wanaagsan ee ay la leeyihiin Beesha Caalamka.

Waxa kale oo uu sheegay Wasiirku in la gaadhay xiligii laga midho dhalin lahaa iskaashiga ka dhexeeya Britain iyo Somaliland,

Sidoo kale waxa sheegay in loo baahan yahay sidii loo abuuri lahaa jawi dhaqaale oo saamaxa ama abuura maal-gashi shisheeye oo Somaliland ka hesho wadamada Caalamka iyo Britain-ba

Ugu danbayntii Waxa kale oo uu MR.HENRY ku dheeraaday sidii ay Somaliland iyo Britain isaga kaashan lahayeen nabad-gelyada geeska, ladagaalanka Budhcad badeeda iyo Argagixisada. “Ayaa  lagu yidhi qoraalka madaxtooyada.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *