Hargeysa(ANN) Khilaaf cirka isku shareeray ayaa  kasoo dhex baxay Hogaanka Xisbiga UCID. Kadib markii garab ay hogaaminayaan C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Ciro) iyo Aadan Mire Waqaf  maanta shaaciyeen liiska magacyada gudi ay sheegeen inay qaban-qaabinay shirweynaha sadexaad ee xisbigaa

oo ay u cayimeen bisha Sep ee fooda inagu soo haysa, taas oo ka cadhaysiisay  Gudoomiyaha Xisbigaa Faysal Cali Waraabe oo isaguna dhinaciisa soo saaray caawa liiska gudi qaban-qaabo oo shirweynaha xisbiga ah iyo gudi fulineed oo cusub oo uu magcaabay.
Sidoo kale wuxuu garabka gudoomiyaha UCID ku sheegay qoraalka inay cayimeen shirweynaha xisbiga 26 July oo maalmo yari inaga xigaan.
Qoraalka saxaafada loogu tala galay ee  garabka hogaanka C/raxmaan Ciro iyo Aadan Waqaf  maanta kasoo saareen  xarunta dhexe ee xisbiga UCID, wuxuu  u dhignaa sedan:- “Maanta oo ay taariikhdu tahay July 24, 2011 waxaa xarunta dhexe ee xisbiga UCID shir ku yeeshay Gudidda Fulinta Xisbiga UCID waxaanay soo saareen go’aamadan hoos ku qoran:
Si loo sugo jiritaanka , midnimada iyo sharcinimada hoggaanka Xisbiga in dib loo dhigo qabashada shirweynaha Xisbiga muddo aan ka badnayn shan iyo afartan cisho oo ka bilaabanta maanta oo taaiikhdu tahay 24.7.2011 iyada oo ay ahayd in shirweynaha la qabto ugu dambeyn 27.7.2011.
In shirweynihii Xisbiga lagu qabto Hargeysa maalinta Arbacada iyo Khamiista , 7-8 Sept 2011, Sida ku cad Qod. 10 Faq. 4aad ee Xeerka iyo Qaab Dhismeedka Xisbiga UCID.
v In la magacaabo guddida qabanqaabada shirweynaha Xisbiga UCID
v Waxa xubnaha Fulinta iyo Golaha Dhexe ee Xisbiga asal u ah liiskii ugu dambeeyey ee ansixiyey Xeerka Xisbiga, Musharaxa Maxwaynaha iyo Ku-xigeenka.
v Maadaama xilka hogaanka Xisbigu dhamaanayo 28 July, 2011 oo ay ku egtahay mudada xilka gudoomiyaha hadda ee Xisbiga UCID isla markaana uu xeerka Xisbigu ku xadeeyey muddo-xileedka Gudoomiyaha laba jeer oo keliya sida ku cad qodobka 25aad faqradiisa 3aad, ay si ku meel-gaadh ah u sii wadayso hawlaha xisbiga Guddi ku meel gaadh ah inta uu qabsoomayo shirweynaha 3aad ee Xisbiga. Gudigaas oo magacyadoodu yihiin sida hoos ku qoran.
Magaca Xilka
Aadan Maxamed Mire (Waqaf) Gudoomiye ku meel-gaadh ah
Axmed Xuseen Fagfagaash G/X/Koowaad ku meel-gaadh ah
Xasan Xuseen Maxamed (Codyare) G/X/labaad ku meel-gaadh ah
Cabdilaahi Siciid Ismaaciil (Dheere) G/X/saddexaad ku meel-gaadh ah
Profisor Abdiraxmaan X. Saalax G/X/afraad ku meel-gaadh ah
Muuse X. Maxamuud Guuleed (Inji) Xoghayaha Guud
Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi (Cirro) Ku Xigeenka Xoghayaha Guud
Waxa la farayaa dhamaan Hawl-wadeenadda iyo xubnaha Xisbiga ee Gobollada, degmooyinka iyo laamaha Dibaddaba inay ku dhaqmaan una hogaansamaan qodobadan kor ku xusan.
Go’aankan waxa gaadhay xubnaha guddiga fulinta ee magacyadooda iyo saxeexyadoodu hoos ku qoran yihiin.”
Dhinaca kale garabka Gudoomiyaha  xibsiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa dhinacooda caawa fiidkii soo saaray qoraal ay ku sheegayaan magacyada gudida qaban-qaabada  shirweynaha xisbiga oo ay sheegeen inuu dhacyo 26 July 2011, kaas waxba kama jiraan ka dhigaya qoraalka hore ee ay maanta gelinkii hore soo saareen garabka ay hogaaminayaan C/raxmaan  Maxamed C/llaahi (Ciro) iyo Aadan Mire Waqaf.
Sidoo kale qoraalka garabka gudoomiyaha ayaa laga soo horaysiiyay maalinta garabka kale u cayimay shirweynaha, iyadoo sidoo kale lagu shaaciyay liiska magacyada gudida fulinta.

Qoraalka garbka gudoomiye Faysal Cali Waraabe wuxuu u dhignaa sidan:-
“Shir dagdag ah oo ay manta yesheen xubnaha guddida fulinta ee xusbiga
UCID isla markaana u hogaminayey guddomiyaha xisbiga UCID Eng.Faysal
Cali Warabe aya waxa u magacabay Guddidi qaban qabada Shir-waynaha
Xisbiga UCID oo dhacaya 26/07/2011.oo ka qabsoomi doona magalada
Hargaysa wana sidan xubnaha guddida qaban qabada :

1: maxamed ibarhiim aadan……..Guddomiye
2: Cabdinasir Yusuuf Cismaan qodaax. ……Guddomie ku xigeen
3: Maxamuud Cali Jiir …..Xoog-haye
4: maxamed xasan shabash ….Xubin
5: Xuseen Xasan Badmaax …..Xubin
6: maxamed Koore …..Xubin
7:Qareen Siicid Geel-jire …Xubin
8: Axmed Maxamed Faraax Shiine …Xubin
9:Cabdi Dool Kariye ..Xubin
10:Xaliimo Cismaan Raage ..Xubin
11: Nimco Cartaan…..Xubin
12: Iilhaan Cumaar Jaaquur …Xubin

Waxaana ku sexeexan warsaxafadeedkaan Guddomiyaha Xisbiga Cadalada Iyo
Daryeelka Eng.Faysaal Cali Waraabe
Sido kale waxa u Guddomiyhu U shaciyey Liiska Saxda ah ee Gudidida
Fulinta Xisbiga UCID Waana Sidan:-

Executive Committee of UCID Party
1.      Eng Faysal Cali Waraabe
2.      Aadan Maxamed Mire Waqaf
3.      Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro)
4.      Fadumo Cali Madar
5.      Garaad ISmaacii Ciise
6.      Yusuf Maxamed Guuleed
7.      Maxamed Cabdilaahi Uurcade
8.      Cabdiraxmaan Jaamac Ducaale
9.      Xasan Xuseen Maxamed Codyare
10.     Cabdilaahi Siciid Ismaaciil
11.     Dr Saha Cabdi Maxamuud
12.     Cali Maxamuud Ducaale
13.     Axmed Xuseen Fagfagaash
14.     Maxamed Ibraahim Adam
15.     Cali Yusuf Qaalib
16.     Khadar Xuseen
17.     Axmed Muumin Seed
18.     Saleebaan Daahir Dogox
19.     Cabdixakiim Garaad Cali Shire
20.     Maxamuud Cali Jiir
21.     Ibraahim Rashiid Maxamed
22.     Cabdi Naasir Yusuf Cismaan.
23.     Abokor Cige Faahiye
24.     Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (DHeere)
25.     Fowsi Xaaji yusuf
26.     Cabdi Shakuur Ibraahim Diiriye
27.     Faadumo Shaacib Oodowaa
28.     Xuseen Xasan Badmaax
29.     Maxamed Cabdilaahi Jaamac
30.     Cabdalle Maxamed Qaalib
31.     Axmed Ali Mahdi
ALLA MAHAD LEH
Guddomiyaha isbiga UCID
Eng.Faysaal Cali.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *