Nairobi(ANN)Alla haw naxariistee Mujaahid Yuusuf Ciise Tallaabo ayaa maanta ku geeriyooday xarunta Dalka  Kenya ee Nairobi, halkaas oo xaalad caafimaad loo geeyay dhowaan. Kadib markii uu mudo u  jiifay xaalad caafimaad daro Cusbataalka Boorame, balse Madaxweynaha Somaliland u diray Cusbitaal

 

debeda ah. Sidaana loogu qaaday dhinaca dalka Kenya qiyaastii saddex todobaad ka hor.
Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin Gudoomiye xigeenka Xisbiga UDUBw , isla markaana ah ku simaha gudoomiyaha ayaa xaqiijiyay geerida Mujaahidka.wuxuuna isagoo ku hadlaya magaca bahweynta xisbiga UDUB sheegay inuu tacsi u dirayo qoyskii qaraabadii, xisbiga Udub iyo ummada Somalilandba, isagoo ka tacsiyadaynaya geerida ku timi mujaahidkaa. 
Mujaahid Yuusuf Ciise Talaabo oo ka mid ahaa mujaahidiintii Ururkii SNM ee horseedka u ahaa xoraynta Somlilland. Waxa uu xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadii Somaliland, isagoo noqday Badhasaabka gobolka Sanaag sagaashanaadkii. Wixii markaa ka danbeeyan wuxuu ahaa wasiir ku xigeen Wasaaradda macdanta iyo Biyaha iyo Cadaaladda oo uu labada kasoo qabtay xilal wasiir ku xigeen. Markii laga guulaystay xisbigii UDUB ee uu ka midka ahaa doorashadii 2010, wuxuu noqday gudoomiyaha garabka Siyaasada ee xisbiga Mucaaridka UDUB, xilkaa oo uu hayay ilaa waqtigan oo Mujaahidku geeriyooday.
Mujaahid  1982 ayuu ku biiray halgankii hubaysnaa ee SNM,  xiligii dhaxtuurka isagoo waqtigaa ka mid ahaa  macalimiintii halganka ku biiray xiliyadaa, isla markaana kaalin firfircoon kasoo qaatay halgankii iyo dib u dhiskii dalka Somaliland.
Shebekada Bahweynta Araweelonews waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Qoyskii Qaraabadii, Ehelkii iyo shacbiga Somaliland geerida ku timi mujaahidkaa. Waxayna Illaahay uga baryayaan inuu naxariistii janno ka waraabiyo marxuumkaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Download: www.ieType.com/e.php?EhqkPz

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
1
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *