Hargeysa (ANN) Wefdi  uu hogaaminyo Safiirka  Faransiiska u fadhiya  dalka Jabuuti  Mr. Dominic, ayaa maanta ka soo degay madaarka caalamiga ah ee  Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa. waxaana wefdiga halkaa kusoo dhoweeyay wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Faranasiiska Mudane Cali Sheekh, xoghayaha arrimaha debeda ee xisbiga Kulmiye Dr.Maxamed C/llaahi  iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid ahayd Marwo Adna Aadan Ismaaciil.

Waftiga oo qolka nasashada warbixin kooban oo ay kaga hadlayaan ujeeda safarkooda ku siiyay saxaafada, waxa uu safiirkii hore  oo hogaaminayay   wefdigu sheegay in aanay ahayn markii ugu horeysay ee uu yimaado, balse uu mar horena yimi Somaliland . sidaa awgeed  uu ku faraxsan yahay doorashadii Somaliland ka dhacday sidii wanaagsanayd ee ay u qabsoontay, isla markaana uu u hambalyeynayo shacbiga Somaliland meel kasta oo ay joogaan. Waxa kale oo uu ka hadlay safiirku sidii loola dagaalami lahaa budhcad baddeeda ku soo badatay mandaqadan.
Weftigan ayaa waxa kale oo ay ka warameen sida Somaliland horumarka u gaadhay, isla markaana beesha caalamku indhaha ugu hayso waxa ay qabsatay iyo isbedelka ka dhacay ee dhinaca doorashooyinka,  waxaanay bulshada Somaliland ku guugaabiyeen in halkaa ka sii amba qaadaan horumarka iyo wadajirka ay muujiyeen.
Xubnaha Waftiga ka socda dalka Faransiiska ee uu hogaaminayo Ambasador Dominic, waxa ka mid ah mudanayaal ka tirsan baarlamanka dalkaa iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan wasaarada arimaha dibeda. Ujeedada socdaalkooda ayaa waxay ku micneeyeen  xoojinta xidhiidhka ka dhaxeeya labada dal iyo weliba sidii ay u hambalyeyn  lahaayeen madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa, ka dib doorashadii dimuqraadiga ahayd ee Somalailand ka qabsoontay 26kii bishii Juun.
Madaxweynaha la doortay Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo weftiga ku booqdeen guriga uu degan yahay ayaa si diiran u soo dhaweeyey, isagoo uga mahadceliyey socdaalka uu ku yimi weftiga faransiisku. Madaweynaha la doortay waxa ku weheliyey qaabilaada weftiga madaxweyne ku xigeenka mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, guddoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, xoghayaha guud ee xisbiga Kayse Xasan Cige iyo masuuliyiin kale.
Wefitgu waxa kale oo ay booqdeen deegaamo ay ka mid yihiin degmada Laas Geel iyo goobo   kale oo ka tirsan gobolka Saaxil.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *