Jigjiga (ANN)Wararka ka imanaya deegaanka Soomaalida kililka shanaad ee ismaamulka soomalida  ee dalka Eithiopia, ayaa xaqiijiyey maanta  xabsiga weyn ee Jig jiga laga sii daayey laba xubnood oo ka tirsanaa golaha dhexe ee jabhadda ONLF.Labada nin oo kala ah Dhiire Caafi iyo Cabdi Nuur Sooyaan waxa laba sano ka hor soo xidhay maamulka Puntland ee Somalia oo u gacan galiyey dawladda Ethiopia.

 

Xasan Macllin Cali iyo Bishaara Wacdi ayaa iyagana la sii daayay, kuwaas oo iyaguna xabsiga ku jiray mudo, iyadoo gabadhaa laga qabtay magaalada Hargeysa sanadkii hore.

Cabdinuur Sooyaan oo BBC u warramay waxaa uu sheegay in uu halganka halkiisii ka sii wadi doono, laakiin uu ahaanayo halgan nabad ah.

Sida taasi u dhici doonto wuxuu ku tilmaamay, in ay tahay in uu heshiisku marka uu hirgalo uu ku dhaqaaqi doono sidii ciidammada ONLF ay degaankooda ugu soo noqon lahaayeen  dagaal la’aan,  ugana talin lahaayeen.
Wuxuu yidhi Sooyaan, “Maaddaama aan anigu baabuur cad ku dhex wato Jig Jiga oo la i dili waayay, ma dhaceyso in Ethiopia ay disho qof shacab ah oo miyi  jooga”.
Waxaa hadda mgaalada Jig Jiga jooga xubno kale o ka tirsan golaha dhexe ee ONLF iyo saraakiil ka tirsan ciidamada jabhadda ONLF oo heshiis nabadeed dhawaan la galay dawladda Ethiopia, iyada oo la filayo in  la qabto bishan xaflad lagu saxeexayo heshiiska garabka ONLF ee uu hogaamiyo ninka lagu magcaabo Salaaxadiin Xaaji
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *