images/stories/wasiirka-xananada-xoolaha.jpg    Hargeysa (ANN) “Qoladan Baanka Adduunka ka socdaa, waxay imika (maanta) ogolaadeen inay dhisaan oo aannu maanta kala saxeexanay dhismaha kawaanka qalliinka hilibka ee Magaalada Burco inay ku sameeyaan ilaa Bisha September ee sanadkan 2010-ka. kawaankan Burco ee ay dhisayaan wuxuu la mid noqonayaa Ka Magaalada Boorame. Markaa, Kawaanka Burco waxa ku baxaysa lacag gaadhaysa illaa laba Malyan oo Dollar.”
 Sidaa waxa yidhi Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr. Idiris Ibraahin Cabdi, oo ka jawaabayay

 su’aal laga  waydiiyeyay kulan ay ku weheliyaan Wasiiru-dawlaha iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi Aadan Daahir Maxamed (Aadan-Dheere) iyo Dr. Maxamuud Cali Giirre, oo ay maanta la yeesheen  wefdi ka socday baanka Aduunka iyo  xubno ka mid ah Saraakiisha Hay’adda FOA, kaas oo ahaa kulan albaabadu u xidhan yihiin oo aan saxaafada loo ogolayn oo ay maanta ku wada yeeshay xarunta Wasaaradda xanaanada xoolaha ee magaalada Hargeysa.

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ee lagaga guulaystay tartankii doorashada madaxtooyada Jun 26, ayaa todobaadka todobaadkan 27 July wareejinay xilka.   Balse wasiirku wuxuu qirtay inuu maanta oo Salaasa ah heshiis la saxeexday Wefti ka socda Baanka Aduunka, isagoo ku dooday in baanka aduunku  horena mashaariic horumarineed dalka uga filiyey, isla markaana mashruuc lagu dhisayo Kawaan hilibka lagu qalo oo cusub oo ay yeelanayso magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer uu maanta qalinka ku duugay.
.

Sidoo kale Dr. Idiris Ibraahin Cabdi, waxa uu sheegay in Weftiga ka socday Baanka adduunka ay ka wadahadlayeen xog kala qaadasho ku saabsan Mashaariicda  uu sheegay inay hore dalka uga  fuliyeen, isla markaana  heshiiska  Mashruuc lagu dhisayo kawaan cusub uu daba socday mashaariicdaa hore, kaas oo sida uu sheegay ay  ku baxayso lacag dhan $ 2, 000, 000 (laba Milyan) oo Doollarka Maraykanka ah.
Dr. Idiris waxa uu sheegay in ujeedada Weftigani dalka u yimi ahayd xog kala qaadasho la xidhiidha warbixinaha mashaariicdii ay hore dalka uga fuliyeen, isla markaana ay dalka ku soo laabteen ka dib markii is beddalka doorashadu Somaliland ka dhacay.Isagoo xusay  inay xubnaha Weftiga ah ee ka socda Baanka Adduunka ay ka codsadeen inay lixda Gobo lee dalka ka sameeyaan mid kasta hal Kawaan hilib ah, waxaanu yidhi; “Waxaannu Weftigan weydiisanay inay magaalooyinka waa weyn ee lixda Gobol ka dhisaan kawaanno waaweyn.”
Mar wax laga weydiiyay mashaariicdaa hore inuu wax ka taabto, waxa uu yidhi,  “Waxa Weftigan Hoggaaminayay ninka haysta Mashaariicda Baanka Adduunka. mashruuca kawaanka weyn ee Hilibka ee Magaalada Boorame ayaa ka mid ahaa mashaariicda ay maalgeliyeen, waxa kale oo ku jiray mashaariic cawska xoolaha la xidhiidhay iyo biyo qabatino la sameeyay.”
Wuxuuna intaa ku daray in Baanka Adduunku Mashaariicda horumarineed soo mariyo Hay’adda Beeraha adduunka ee FOA, isla markaana ay ballan-qaadeen inay sii wadayaan mashaariicda biyo qabatinka, sida inay Barkado biyood deegaanno badan ka qodaan oo kale.
Dr. Idiris, waxa la waydiiyey su’aal ku saabsan sida uu sharci u noqonayo heshiiskani, maadaama ay tahay waqti kala guur oo ay xukuumada uu ka tirsanyahay iyo xukuumada cusubi xilka la kala wareegayaan,  wuxuuna ku jawaabay oo uu yidhi; “Heshiiskani mid weyn ma aha ee waa mashaariic horumarineed, dawladda cusub ayaana la wareegi doonta, balse waannu u sii saxeexaynaa ileen hawshii Annaga ayaa sii wadnee…”
Si kastaba aha ahaatee mashruucan ayaa u muuqda mid qayb ka ah mashaariicda ha’yadaha qaramada midoobay ku maxaafsadaan ee ay masuuliyiinta kooxda xukuumada Rayaale qaab shuraako ah u wada musuqmaaaqaan, maadaama aanay shuruucda caalamiga ah ee qawaaniinta mashaariicda iyo deeqaha aan xiliyada kala guuurka iyo xiliyada doorashooyibka waxba la kala saxeexan, isla markaana uu wasiirku qirtay inuu maanta saxeexay mashruuc uu qiimihiisa ku sheegay laba milyan oo dollar oo sida uu sheegay ay bixinayaan Baanka aduunku, taas oo u muuqata  bmid aalmarsan shuruucda deeq bixiyayaasha iyo Baanka Aduunkaba. Iyadoo aanay ahayn suurta gal haddii aanay ugu yaraan mudada mashruuca la kala saxeexday ku qorin waqtti hore. Sida ay inta badan sameeyaan masuuliyiinta la macaamila Ha’yadaha qaramada midoobay UN, kuwaas oo saraakiisha maamula mashaariicdu muada kala saxeexa ka been sheegaan. Mashaariicda inta badan ay sidaa sameeyaan ayaa ah kuwo mudadii loo qorsheeyay dib uga dhacay. Ka dib marka laysku mari waayo dilaalka iyo sida loo meelaysanayo bajadka mashruucaa lasoo ogolaaday.
Sidaa awgeed waxa muuqata in mashruuca uu maanta sheegay wasiirka xanaanada xoolaha Dr. Idiris uu yahay mid madmadaw badan iyo dareen shaki leh abuuraya, balse xukuumada xilka la wareegaysa looga baahanyahay inay dabagal ku samayso mashruucaa iyo kuwo kale oo badan oo sidaa oo kale loo qorshaystay..
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *