Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday Ganacsadaha Carbeed ee maamulkii hore ee Madaxweyne Rayaale kootada ugu xidhay xoolaha Somaliland, kaas oo ay xukuumaddii hore la gashay heshiis

 

 

dhawr iyo labaatan sannadood ah.

Kooxda ka socotay Al-jaabiri oo ay xubno wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumadda Axmed Siilaanyo kusoo dhoweeyeen Madaarka Hargeysa ayaa kulanka ay madaxtooyadda kula yeesheen Madaxweyne Siilaanyo. Kadib warsaxaafeed laga soo saaray kulankaa lagu sheegay inay kooxdani ahaayeen ganacsato carbeed oo uu Hoggaaminaayo Sarkaal ka socda Imaarada Raasul Khayma, isla markaana ay u socdeen arrimo ganacsi, balse uu ka mid ahaa ganacsade Al-jaabiri.

Qoraalka kasoo baxay kulankaa ka dib oo uu galabta soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), wuxuu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL Mudane  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti Arrimo Ganacasi u socda oo uu Hoggaaminaayo Sarkaal ka socda Imaarada Raasul Khayma.

Weftigan oo uu ka mid ahaa Ganacsadaha Al-jaabiri waxa ay madaxweynaha kala Hadleen sii xoojinta Xidhiidhka ganacsi ee u dhexeeya labada Dal ee Somaliland iyo Sucuudiga.

Madaxweynuhu waxa uu Weftiga u sheegay sida ay Somaliland diyaarka ugu tahay Maal-gashiga Dalka gudihiisa gaar ahaan ganacsiga wershadaha IWM. Madaxweynuhu waxa uu Xubnaha Weftiga uga Mahad celiyey Booqashada ay ku yimaadeen Dalka Somaliland.” Ayaa lagu yidhi qoraalka madaxtooyadda

Dhinaca kale warar shebekadda wararka ee Araweelonews ka heshay kooxdaa ayaa sheegaya in aanay jirin cid ka socotay Imaarada Raasul Khayma oo ka mid ahayd xubnahaa, balse ay ahaayeen Wiil uu dhalay ganacsaadaha carbeed ee Al-jaabiri, ganacsade lagu magcaabo Cabdala Camuudi, iyadoo ay xubnaha kalena ahaayeen shaqaale Yamaniyiin iyo Masaari ah oo u shaqeeya Al-jaabiri, balse Xukuumadda looga dhigay ganacsadahaa mid ka socda Imaarada Raasal Khayma.

Kooxdan ayaa la sheegay inay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kala hadleen cabasho la xidhiidha Maxrajka kale ee xoolaha oo ay sheegeen inuu mushkilad ku noqday, isla markaana uu ka hor imanayo heshiiskii kootada ahaa ee ay la galeen xukuumaddii hore ee Madaxweyne Rayaale, balse sida ay shebekadda wararka ee Araweelonews u xaqiijiyeen warar xog ogaal u ah kulankaa, waxay xukuumaddu u sheegtay kooxda Al-jaabiri inuu heshiiska ay xukuumaddii hore la galeen dib u eegis lagu samaynayo, kaas oo cimrigiisu yahay 26 sannadood, isla markaana sheegaya in aan Maxjar kale laga furi Karin Somaliland mudadaa oo ay shirkadooda keliyi xoolaha ka dhoofin karto Somaliland. Sidaa awgeed aanay aqbalayn in laga wada halo heshiiskaa, haddii aanay Xukuumadda Somaliland baabiin maxjarka cusub ee kale.

Hase yeshee sida ay xogahaasi u sheegeen shebekadda Araweelonews, markii laysku afgaran waayay kulankaa waxay labada dhinac ee Xukuumadda Somaliland iyo kooxda uu hogaaminayay wiilka uu dhalay Al-jaabiri isla qaateen inay qolo waliba dhinaceeda dib isugu noqoto.

Dhinaca kale kooxda ka socotay Al-jaabiri ayaa kulan gaar ah oo casuumad qado la yeeshay Wasiirka cusub ee Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir oo todobaadkan la wareegay xilka. Kadib markii wasiirkii hore Dr. Axmed Xaashi laga wareejiyay wasaaraddaa ee loo bedelay Boosaha iyo Isgaadhsiinta.

Kulanka casuumada qadada ah oo ka dhacay Huteelka Maansoor ayaa la rumaysan yahay inay kooxda ka socotay Al-jaabiri ugu bandhigeen wasiirka arrimo la xidhiidha ganacsigooda iyo waxyaabaha ay doonayaan inuu ka caawiyo, waxayna xogaha kulankaa la xidhiidhaa sheegayaan in wasiirkii hore ee wasaaraddaa oo xidhiidh dhow la lahaa shirkadda Al-jaabiri, balse wasaaraddaa laga bedelay markii ay soo baxday inuu fara gelin ku sameeyay dhul ay xukuumaddii hore ee Rayaale kasoo saartay Digreeto Madaxweyne oo ay ku sheegtay inaan wax dhisme ah laga samayn, kaas oo ah duleedka Haamaha shidaalka oo mudadii kala guurka shirkadda A-jaabiri ka bilawday dhisme cusub, balse la joojiyay markii saxaafadu soo bandhigtay digreetadaa, iyadoo soo xiganay shebekadda Araweelonews. Wasiir Oday ayaa wararku sheegayaan inuu isku xidhay wasiirka cusub Dr. Cabdi Aw Daahir iyo Wiilka uu dhalay ganacsade Al-jaabiri.

Ganacsade Al-jaabiri ayaa Xukuumaddii lagaga adkaaday doorashadii Madaxtooyadda Somaliland ee ka qabsoontay dalka 26 jun 2010, waxay heshiis kooto ah ugu xidhay Xoolaha Somaliland, heshiiskaa oo cimrigiisu yahay 26 sannadood, waxayna Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo xiligaa ahayd mucaarid si weyn ugu weerartay xukuumaddii Rayaale talaabada kootada ah ee ay xoolaha ugu xidhay Al-jaabiri, taas oo ku tilmaantay waqtigaa mid xaaraan ah oo aan waafaqsanayn dastuurka iyo tilmaamaha uu ka bixiyay ganacsiga xorta ah.

Sidoo kale waxa heshiiskaa aad uga qayliyay bulshada Somaliland, gaar ahaan ganacstada xoolaha Somaliland, balse xiligii Ololaha kaanbaynka ayay xisbul xaakimka Kulmiye ee Xukuumadda uu Madaxweynaha ka yahay Axmed Siilaanyo balan qaadeen inay baabiin doonaan heshiiskaa kootada ah ee dhinaca Xoolaha iyo dhamaan heshiisyada kale ee la midka ah sida ka Total ee Haamaha shidaalka oo ay dib u eegis ku samaynayaan, isla markaana u gudbin doonaan golaha wakiilada Somaliland, si loo waafajiyo sharciga iyo dastuurka.

Ganacsade Al-jaabiri oo lagu tilmaamo dilaal si weyn uga macaashay lacag Malaayiin dollar ah xoolaha Somaliland, isla markaana aan cidna la xisaabtamin, waxa la rumaysan yahay inay ku maqan tahay lacag ka baddan $ 62Mly oo dollarka maraykanka ah. Balse tan iyo intii Maxjarka cusub ee kale laga furay xarunta magaalada Berbera, isla markaana ay meesha ka baxday xukuumadii Daahir Rayaale ee kootada ugu xidhay dhoofka Xooluhu waxa soo waajahay caqabado dhinaca ganacsiga dhoofinta Xoolaha ee Sucuudiga, iyadoo horaantii bishan laba 3 Mar oo ka wada baxay Berbera, isla markaana xoolo u qaaday dhinaca dalka Sucuudiga oo ay laba ka mid ahi ka baxeen Maxjarkiisa lasoo celiyay, halka markabkii la socday kuwaa ee ka baxay Maxjarka kale ee tartanku ka dhexeeyo laga rogay xoolihii saarnaa.

Lama garanayo inay sababaha Maxjarka Al-jaabiri loogu soo celiyay xoolahaa xidhiidh la leeyihiin loolanka iyo tartanka dhinaca Maxjarada Berbera ee Somaliland iyo inay hordhac u tahay qorshe uu ku doonayo inuu kula dagaalamo dhoofka xoolaha Somaliland, maadaama ay meesha ka baxday kootadii dhinaca suuqa xoolaha ee u xidhnaa keligii.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist  
Araweelonews Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *