Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Xisbiga  tallada haya ee KULMIYE. Muuse Biixi Cabdi,  ayaa jawaabo kala duwan ka bixiyay dhaliilo loo jeediyay xukuumada  oo la xidhiidha   xadhiga mid ka mid ah salaadiinta Somaliland  oo xukuumadu xabsiga u taxaabtay todobaadkan iyo  sidoo kale

 

xadhiga Guddoomiyihii Wargeyska Madaxa banaan ee Waaheen  Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo  Maxkamada Gobolka Hargeysa sadex sanadood oo xadhig ah iyo lix malyan oo ganaax adag ah ku riday Sabtidii. Kadib markii lasoo gebagebeeyay dacwad ka dhan ah oo maxkamadda ka socotay mudooyinkii u danbeeyay.

Guddoomiyuhu wuxuu sidaa ka sheegay khudbad uu maanta ka jeediyay  xaflad loo sameeyay Arday oo ka qalin jabiyay Jaamacada Golis ee magaalada Hargeysa oo lagu qabtay Huteelka Maansoor.
Muj. Muuse Biixi oo ka jawaabayay dhaliilo xukuumadda loo jeediyay oo la xidhiidha cabudhinta Saxaafada waxa uu yidhi,  “Reer Xamarka ayaa ku maahmaaha cimrigaaga oo raagay Geel dhalaayana wuu ku tusaa. Imika wuxuu cimrigeenu ina tusay UDUB oo saxaafadii u ooyaysa iyo KULMIYE oo saxaafadii lagu canaananayo nolasha ayay ka mid tahay. Waxaan  uga mahad naqayaa qolada UDUB haddii aad tidhaahdeen mucaaridadayadu waa mid wax dhisaysa  oo waanu idinla shaqaynaynaa.
Waxaanu leenahay intaas  in leeg ayaanu  labada gacmoodba idiin soo taagaynaa inaynu dalka wada leenahay oo aynu ka wada tashano niman idin fogayna oo wax la sii jeesanaya ma nihine’e soo dhawaada walaalayaal ayaan leeyahay qoladaa UDUB.”

Guddoomiyaha KULMIYE oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi  “Horta  arrintan saxaafada, horta KULMIYE saxaafadu waa tii in badan soo garab joogtay oo qolada UDUB waxaabay odhan jireen way naga eexanaysaa,  kamay eexan jirin wixii ay la ahaato ayuun bay sheegayeen.
Haddii saxaafaddii been iyo cay ay qorto waxbay inaga xumaynaysaa. Nin weyn oo sodog ah oo Hargeysa dhex jooga  haddii lagu yidhaahdo waxaa  ayuu xaday  oo laba kun oo jariiradood iyo laba Telefishan laga sii daayo, haddii uu yidhaahdo ima qabato oo dambigaasi waa la i saaray, markaa ma saxaafadii ayaa la cabudhiyay. Saxaafada waanu ogolnahay inay naga gardaraatana waanu ogolnahay, waanu ogolnahay intii aanu qeylinaynay in leeg in nalagu qayliyo.”
Guddoomiyaha KULMIYE oo ka hadlayay Xadhiga Boqor Raabi wuxuu yidhi “Waxa la yidhi,  Sodoh ayaa nin dhirbaaxay, gartii ayaa geedka la keenay waa la is weydiiyay waxa la yidhi Sodohda halka gacanta inanka inanteeda qabaa  gaadhayo maxaa keenay?  Iyadaba maxaa halkaa keenay. Madax dhaqameed  wax lagu eedayn karo maxaa soo galiyay.ninka Suldaanka ah soo afkiisa iyo adinkiisuba inuu noqdo mid ku dayasho mudan ma aha Isaga iyo kuwa sharciga ilaaliya  ee dhawrayaa inay isa soo gaadhaanba ma aha.
Waxase aanu ogolnahay dawladu ha u dul qaadato.KULMIYE ma diidayo in la faalleeyo, ma diidayo in lala kaftamo. Wixii laf jab ah aynu iska dayno ayaan leeyahay.”

Guddoomiyaha Kulmiye isagoo ka hadlaya dhaliilaha loo jeediyo xukuumadda cusub, waxa uu yidhi, “Waxa la yidhi fulle xantii ma mooga, KULMIYE iyo dawladiisa waxa lagu xamanayaa  intii ay yimaadeen busaarad ayaa dalkii jiidhay waxba la isu qarinayaa. Ii dhego nugloow oo dhakhso ii dhufo, dadka waanu u dhego nugul  nahay sidii aynu ku balanay, shacbigii na doortay ee yidhi waanu idin tijaabinaynaa haddii aanu idin garan waynana fartii halkii ayay ii taalaa waanu u dhego nuglaanaynaa. Waar gari ILAAHAY ayay taqaanaaye’e KULMIYE nin  mushaharo qaadanayay oo lacag xaq ah qaadanayay oo aanu ka goynay haddii uu jiro anagaa dambigaa leh. Laakiin waxaad na tidhaahdeen waxaad xooga saartaan in xoolaha ummadda la ilaaliyo oo halka ay ku mudan yihiin la geeyo, labadaa  qodob haddii aanu fulino maxaa dhacay,”ayuu yidhi Muuse Biixi

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist  
Araweelonews Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *