Hargeysa(ANN)Agaasimaha Komishanka Qaranka ee xakamaynta  xanuunka HIV/AIDS ee Somaliland oo loo soo gaabiyo SOLNAC Dr. Maxamed  Daahir Khayre, ayaa ka hadlay khatarta  xanuunkaasi ku hayo bulshada, sida uu  ku fidiyo iyo heerka uu Somaliland ka taagan xiligan. Sidoo kale wuxuu

daaha ka qaaday xogaha lagu ogaaday baadhitaanadii u danbeeyay ee lagu sahimayay khatarta xanuunkaa iyo fiditaanka dhinaca bulshada Somaliland.

Wuxuuna isagoo ka hadlaya natiijada baadhitaanadii u danbeeyay yidhi, “Haddii aan kaaga waramo xaaladda cudurka, sahannaddii  ugu danbeeyay ee hadda la sameeyay  oo u badan sahanno laga sameeyay dumarka uurka leh, taas oo ka turjumaysa xaaladda cudurku dalka ka marayo, waxa uu hadda taagan yahay 1.4 %. Saddex qaybood ayaa loo kala saaraa cudurka, in uu yahay mid u fidaya si hoose, in uu yahay mid kooxo bulshada kamida ku kooban iyo in uu yahay mid si guud u fidaya oo bulshada wada gaadhay. Dalka waxa ka furan 22 goobood oo lagu baadho dhiiga, tallooyina lagu siiyo . waxa kale oo intaa dheer ilaa afar meelood ayaa dawada lagu bixiyaa, 22-ka goobood waa inta dhiiga lagu baadho ee dadkana lagula  taliyo, laakiin inta dawada leh ee dadka cudurka qaba lagu siiyaa waxay u badan yihiin Cisbitaalada waawayn.”
Dr. Maxamed Daahir Khayre waxa kale oo uu sheegay in dalka ka hirgaliyeen sadex goobood oo ku yaala xuduudaha dalka oo dadka lagaga baadho xanuunkaa.

“Waxa jira barnaamij kale oo la xidhiidha xuduudaha iyo dadka ka tallaabaya, oo runtii inagu haya khatar weyn, khatartaasi waxay ka imanaysaa dadka gaadiidka fuushan ee Berbera imanaya ee inta ay alaab ka qaadaan laba habeen ku dhaxaya  ama wajaale tagaya ee habeen ku dhaxaya , khatartooda ayay leeyihiin haddii ay cudurka qabaan oo waxaa laga yaabaa in ay cid kale la kulmaan, markaa saddex  goobood ayaa dalka laga wadaa barnaamijkaa xuduudaha iyo ka hortaga cudurka, saddexdaa goobood waxay kala yihiin Lawyacaddo, Wajaale iyo Berbera, barnaamijkaa waxa inaga caawiya urur goboleedka IGAD,”ayuu yidhi Agaasimaha SOLNAC, oo Khamiistii  xaalada xanuunkaasi iyo waxqabadkooda uga waramayay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaacii, oo kormeer ku soo maray xarunta dhexe ee SOLNAC.

Dr. Maxamed Daahir oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Barnaamijkaasi waxa uu ku salaysan yahay warbixino iyo sahanno laga sameeyay dalka iyo dhibaatooyinka ka jira, laba sannadood ayuu soconayay oo uu u socday si aan fiicnayn, balse sannadkan 2011 ayaanu rajaynaynaa in la xoojiyo oo qorshihiisii aanu ku tallo jirnaa  in hadda Jabuuti lagu dhamaystiro.”
Agaasimuhu wuxuu sheegay in miisaaniyada  xukuumada dhexe sanadkan loogu daray kharashkii  ku furan lahaayeen  qaar ka mid ah xafiisyadii gobolada waxaanu  yidhi  “Intaa waxa noo dheer in sannadkan xukuumaddu noo ogolaatay oo aanu waydiisanay in miisaaniyadda naloogu daro in lixda gobolba laga furo xafiisyo SOLNAC  ay leedahay, markaa waxa sannadkan naloo ogolaaday saddex gobol oo aanu isla garanay in laga dhigo Awdal, Saaxil iyo Togdheer , sannadka dambena waxaanu ka furi doonaa gobolada kale haddii ILLAAHAY idmo.”

“Madaxwayne Ku Xigeen  aad ayaanu kuugu mahad naqaynaa maalintii aids-ka adduunka khudbaddaadi iyo dhiigii aad dadka hortooda isaga qaaday, tusaalaha ugu wayn ayay ahayd, aadna waanu kuugu mahad naqaynaa, waayo taasi waxay wacyi gelin wayn u samaysay bulshada adiga iyo wasiirka caafimaadku , oo hadda kiyuu ayaa loo soo galaa goobaha, bishan bisheedana waxaanu rajaynaynaa in hawl taa la mid ah oo kale. Ururo badan ayaa nala shaqeeya, kuwaasi oo isugu jira Hay’addaha UN-ka, ururada kale ee caalamiga ah iyo kuwo wadani ahba, kuwaasi oo qoloba ay aag qaabil santahay . cudurka sida wax looga qaban karaa waa ka hortag, si kale oo wax looga qaban karaana ma jirto, ka hortaguna waa wacyi gelin dadka la wacyi geliyo, waxaa kamida ka hortaga dumarka uurka leh oo iyagana hore loo baadho,”ayuu yidhi Agaasimuhu.

Dhinaca kale, iyaguna  kulankaasi ka hadlay oo ka warbixiyay hawlahooda Agaasimaha waaxda daawaynta ee Komishanka qara nka ee xakamaynta HIV/AIDS-ka Sahra Aadan, waxaanay ka hadashay inay dadka xanuunka la nool ay siiyaan tallooyin iyo dawooyin.
Agaasimaha dawayntu waxay ka gaabsatay inay shaaciso tirada rasmiga ah ee dadka la nool HIV/AIDS, hase yeeshee waxay tilmaantay Inay madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenkaba ugu gudbin doonaan warbixinta  Qoraal.

Agaasimaha Maamulka ee Komishankaasi  C/Kariim Xinif , ayaa isaguna sheegay  inay dedaal ugu jiraan sidii ay uga midho dhalin lahaayeen hawsha culus ee ay shacbiga u hayaan. Waxa uu tilmaamay inaanay shaqaalaha ka hawl gala komishanku aanay ku filayn oo ay hore u ahaayeen sadex qof marka laga reebo Ilaalliyeyaasha iyo nadiifiyeyaasha xarunta .
C/Kariim Xinif wuxuu sheegay in ay la wareegeen todoba kombuyuutar oo 7-duba fadhiyeen waxaanu carabka ku dhuftay inay kiciyeen kombuyuutaradaasi.
“Mudane Madaxweyne Ku Xigeen, xaruntani waxay lahayd sadex baabuur, hase yeeshee waxaanu ugu nimid wax soconaya hal Baabuur, baabuur imika geerash noogu jirtaana way jiraan. Runtii imika afar baabuur ayaanu haysanaa oo way noo shaqeeyaan Xaruntani (SOLNAC) waxay ahayd xarun magac leh haddana aan sidaasi u sii dhisnayn,”ayuu yidhi Agaasimaha maamulka lacagtu.
Waxaanu  tilmaamay  inay dedaal u galeen sidii bulshada looga wayi gelin lahaa fiditaanka HIV/AIDS-ka.
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, oo ka hadlay kormeerkaasi ayaa uga mahad celiyay Komishanka SOLNAC  dedaalka ay ugu jiraan xakamaynta HIV/AIDS, oo uu tilmaamay in dhaqdhaqaaqyadooda laga dareemay dalka isagoo u soo jeediyay inay sii wadaan wacyi gelinta qeybaha kala duwan ee bulshada.

Md. Saylici wuxuu Komishanka  ugu baaqay inay sii xoojiyaan xidhiidhka ay la leeyihiin Culimada si masaajidada dalka looga fuliyo in bulshada la dareen siinayo halista xanuunkan.  Waxa kale oo  ku dardaaray inay dabo gal ku sameeyaan sida ay Ururada aan dawliga ahayn ee bulshada ee la soo mariyo kaalmaddu ay  u maamulaan lacagaha wacyigelinta loogu dhiibo.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *