Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kulan la yeeshay wefdi uu hogaaminayay Wasiirka horumarinta iyo Iskaashiga u qaabilsan dawlada Denmark, Mr. Soren Pin doo saaka kasoo degey gegida diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa.

Kulanka Madaxweynaha iyo wefdiga ayaa ka dhacay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, iyadoo Madaxweyne Siilaanyo uga waramay wefdiga xaalada Somaliland ee dhinacyada dhaqaalaha, siyaasada, horumarka dhinaca doorashooyinka iyo dumuqraadiyada, isagoo xusay inay Somaliland dedaal ugu jirto xaqiijinta qaran ku dhisan dumuqraadiyad, caddaalad iyo maamul wanaag.    Waftigan uu hor kacayay Wasiirka Iskaashiga iyo mucaawinooyinka ee dalka Denmark ayaa ka hor intii aanay ka dhoofin galabta madaarka Magaalada Hargeysa, waxa kaloo ay kulamo la yeesheen  hogaanka xisbiyada iyo qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka ah.
Kulanka Madaxweynaha iyo wefdiga oo aan loo ogolayn saxaafada ayaa markii uu dhamaaday laga soo saaray qoraal kooban oo madaxtooyadu kasoo saartay, ujeedada kulanka iyo waxyaabihii ay ka wada wada hadleen xukuumada Somaliland iyo wefdiga Denmark. Qoraalkaas ayaa u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed  Maxamuud  (Siilaanyo) waxa uu maanta Hotel Mansoor Hargiesa ku qaabilay Wefti Balaadhan oo uu horkacayo Wasiirka Horu-arinta iyo Xidhidhka Caalamiga ah ee Dawlada Denmark Mr. Soren Pind.
Kulankan oo ahaa kii ugu horeeyey ee Noocisa ah oo ay Dawlada Denmark iyo Dawlada Somaliland wada yeeshaan waxa uu wasiirku Somaliland soo gaadhsiyey Koolmo toos ah oo  u gudoonsisey Dawlada Somaliland

Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga waramay Dadaalka ay Somaliland ugu jirto Qaran ku dhisan Dimuquraadiyad, cadaalad iyo Maamul wanaag.

Madaxwweynuhu waxa uu Weftiga Warbixin muqleh ka siiyey sida ay Somaliland wax u qabsatay, Dhinacyada Dhaqaalaha, Nabad gelyada iyo Dawladnimada  waxaanu sheegay in ay Somaliland Beesha caalamka Ka dalbanayso in la Aqoonsado oo ay ka mid noqoto Qaramada Caalamka, Isla markaana ay Buuxisay Shuruudihii oo Dhan.

Geesta kalena Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga mahad naqay Niyad Samida ay Dawlada Denmark u muujisay Somaliland iyo Booqashada ay ku yimadeen Dalka   Somaliland.

Ugu danbayna Madaxweynuhu waxa uu Weftiga dareensiyey Kaalmada iyo Gacanta ay Somaliland uga baahantahay Beesha caalamka isagoo uga mahad naqayna kan ay Maanta Gudoonsisay Dawlada Denmark.

Kulankan oo Qiimo wayn ugu fadhiya Somaliland waxa ay xukuumadu weftiga u soo bandhigtay Qorsheheeda dhinacyada Dhaqaalaha, Nabad-gelyada, Cadaalada, Horu-marinta, Waxbarashada iyo Caafimaadka iyo Tayeynta Shirkadaha Gaarka loo leeyahay iyo Meelaha uu Qorshahani uu Gacan qabashada uga baahan yahay.

Wasiirka Xidhidhka Caalamiga ah ee Denmark ayaa isaguna Madaxweynaha iyo Xukuumada Somaliland-ba uga mahad naqay soo dhawaynta iyo warbixinta ay ka siiyeen Dalka Somaliland.

Wasiirku waxa uu Somaliland ku Amaanay Hanaanka Dimiquraadiyadeed ee sida wanaagsan uga hirgalay iyo Sidii ay u Dhacday Natiijadii Doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka Qabsontay taas oo uu sheegay inay Indhaha Caalamka Soo Jiidatay.
Wasiirku waxa uu Somaliland ku tilmaamay Qaran u qalma in wax lala Qabto waxaanu balan qaaday in uu dhinacooda Dadaalidonaan.

Gebegabadii kulanka waxa uu Wasirku Magaca Dawlada Denmark Madaxweynaha Somaliland ku gudoonsiiyey Had-yad, Sidoo kale ayuu Madaxweynaha Dawlada Somalialnd-na gudoonsiyey Had-yad Wasiirka ka Socday Dawlada Denmark MR. SOREN PIMD.

Dhinaca Xukuumada Somaliland waxa Madaxweynaha kulanka ku Wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Debeda, Wasiirka Qarshaynta Qaranka, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Maayerka Caasimada Hargeisa”
 
Wefdiga oo saaka barqadii kasoo degay gegada dayuuradaha ee Cigaal International Airport ee Magaalada Hargeisa,  wafti balaadhan oo ka socday dawlada wadanka Denmark oo uu hogaaminayay  Wasiirka Horumarinta iyo Iskaashiga  Denmark  Mr. Sorn Pind  oo ay weheliyaan masuuliyiin iyo madax kale oo ka tirsan hay’adaha iyo dawlada Denmark.
Iyadoo ay ku qaabileen  Garoonka caalamiga ah ee Cigaal International Airport koox kamid ah wasiirada xukuumada Somaliland oo uu hogaaminayo wasiirka Arimaha dibada iyo xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi iyo saraakiisha ciidank booliska Somaliland, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.
Wefdiga ayaa galabta dib uga dhoofay Madaarka, iyadoo Wasiirka hogaaminayay wefdiga Denmark ee Horumarinta iyo Iskaashiga  Mr. Sorn Pind uu ku tilmaamay kulamadii saacadii ay joogeen kuwo ku dhamaaday guul.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *