Ceelaayo(ANN) Wasiirka Arimaha Gudaha  maamulka Puntland C/laahi Axmed Jaamac (Ilka Jiir) ayaa gaadhay maalmihii lasoo dhaafay deegaanka Ceelaayo ee duleedka xeebta Magaalada Laas-qoray, warar dadka

 deegaanka laga helay ayaa shebekada warbaahinta ee Araweelonews u sheegay in ujeedada Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland u tegey halkaa ay la xidhiidho sidii waan waan looga samayn lahaa ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo ku go’doonsan Buuraleyda dagaaladu ka jiraan ee Deegaanka Galgala.
Wararka ayaa sheegaya inay cutubyo ka tirsan ciidanka Puntland maamlmihii lasoo dhaafay ku go’doomeen Buuralaydaa. Kadib markii ay dagaalo halkaa ku dhexmareen Malayshiyada uu hogaamiyo wadaadka Sh. Maxamed Siciid Attam oo mudooyinkii u danbeeyay dagaalo ku dhexmarayeen deegaanka Ciidamada puntland iyo Malayshiyadiisa, iyadoo ay wararka laga helayo deegaanku sheegayaan in ciidamadaa oo uu hogaaminayo Nin lagu magcaabo Siciid Dheere aanay  haysan meel ay ka baxaan la gubay gaadiid u doonayay inay sahay iyo gurmad siiyaan. Kadib markii Malayshiyada Attam jidka keliya ee ay kasoo galeen ciidamadu Buuraleyda goosatay.
Saraakiil ku sugan garoowe oo ka tirsan Maamulka Puntland ayaa u xaqiijiyay shebekada warbaahinta ee Araweelonews in maamulka Puntland doonayo hada sidii loo soo afjari lahaa colaada ka taagan deegaanka galgala, balse waxay saraakiishaa oo codsaday in aan magacooda la shaacini in aany jirin cutubto ka tirsan ciidamada Puntland oo ku go’doonsan deegaanka. Laakiin ay ciidamada ka jooga halkaasi yihiin kuwo ugaadhsanaya malayshiyada ku dhuumaalaysanay halkaa.

Hase yeeshee dad ku sugan deegaanka Laasqoray ayaa u xaqiijyay inuu jiro dedaal uu wasiirka arrimaha gudaha  Puntland  Mr. Ilka jiir oo Asal ahaan ka soo Jeeda deegaanka Colaaddu ka taagan tahay ee Gal-gala uu gaadhay Ceelaayo todobaadkii hore. ka dib markii uu ay u suurta gashay inuu si nabadgelyo ah ku gaadho halkaa, isagoo doonaya in xaalada deegaanka lagu dhameeyo wada hadal malayshiyada, Odayaasha deegaanka iyo maamulka puntland ee uu ka yahay wasiirka,  balse kooxda attam ayaa sida ay wararku sheegayaan ku gacan saydhay hindisaha  Mr. Ilka Jiir, iyagoo ku tilmaamay xeelad uu doonayo in lagu badbaadiyo ciidamadooda oo keliya, isla markaana aanay diyaar u ahayn inay maamulka Madaxweyne faroole la galaan heshiis iyo wax wada hadal ah.
Ma jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxay labada dhinac ee maamulka Puntland iyo Malayshiyada oo xaqiijinaya xaalada dhabta ah ee deegaanka iyo halka ay ku danbaysay waan waanta iyo wadahadalka hindisaha Co, Ilka Jiir, balse waxa weli deegaanka ka socda dagaalo goo goos ah oo u dhexeeya labada dhinac. 
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *