Hargeysa(ANN)Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa kulan albaabada loo xidhay ku yeeshay  maanta hoolka shirarka ee Wasaarada Arimaha. Kulan oo aan si cad looga warhayn wixii uu ku saabsanaa iyo waxyaabihii lagaga wada hadlay,

isla markaana ilaa shalay la isla dhexmarayey in kulanka maanta lagaga doodi doono sidii loo wajihi lahaa mooshino kala duwan oo ay qaar kamida Xildhibaanada Golaha Wakiiladu u soo gudbiyeen Shir-guddoonka. Wararka qaar ayaa sheegaya in mooshinka mudanayaashu soo gudbiyeen ku saabsan yahay furashada Ururada siyaasada.
Inkasta oo aan laga warqabin in  waxa uu ku saabsan yahan, Balse  markii ay kulankaa ka soo dareereen mudanayaasha Goluhu, waxay  warbaahinta oo ku hor sugaysay Wasaaarada horteeda, wax ka waydiisay ujeedada kulanka iyo wixii uu ku saabsanaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxaanu yidhi “Waxaan ummadda reer Somaliland u sheegayaa in goluhu maanta lahaa fadhi xidhan oo aan saxaafada loo ogolayn, kaas oo ku saabsanaa dardar gelinta hawlaha uu qaranka u hayo Baarlamaanku”.
Guddoomiye Cirro oo la waydiiyey waxa ka jira mooshinada la sheegay in ay shirguddoon ahaan u soo gudbiyeen qaar ka mid ah xildhibaanadu, waxa uu sheegay in aanay jirin wax mooshino ah oo ay u soo gudbiyeen mudanayaashu, marka laga reebo hal mooshin oo ku saabsan mushahar kordhinta shaqaalaha dawlada, isaga oo guddoomiyuhu arintaa ka jawaabayana waxa uu yidhi “Mooshinadaas annagu ma ogin (Shir-guddoonka), laakiin waxaanu ognahay hal mooshin oo ku saabsan kordhinta mushaharka shaqaalaha dawlada oo ay soo gudbiyeen Xildhibaano, kaasna waxaad war bixintiisa oo dhamaystiran ka heli doontaan sabtida marka uu goluhu furmo”
Mar la weydiiyay Guddoomiyaha inuu  jiro  mooshin ku saabsan in la furo ururo siyaasadeed “ma jiro, laakiin waxa uu ku jiraa ajandaha golaha” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro. Inkasta oo gudoomiyuhu sidaa ka dhawaajiyay, hadana kulankaa ayaa abuuray dareen xaasaasi ah, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in kooxo mudanayaasha ka tirsani doonayaan inay mooshino kala duwan oo qaarkood ku saabsan yihiin arrimo ganacsi.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *