Hargeysa(ANN) Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa maanta ku qaabilay qasriga madaxtooyada wefdi uu hogaaminayo wasiir ku xigeenka Arrimaha debeda ee Norwey, kaas oo wefdi ka kooban lix xubnood oo uu hogaaminayay maanta booqasho dhawr saacadood qaadatay

 

ku yimaadeen Somaliland.
Kulanka ay wefdigu la yeesheem Madaxweyne Siilaanyo ayaa laga soo saaray qoraal saxaafada loogu talo galay, kaas oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka  Madaxtooyada C/llaahi Daahir Cukuse ayaa u qornaa sidan;-   “Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed  Maxamuud  (Siilaanyo),  waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti Balaadhan oo ka kooban 6 Xubnood uu horkacayo Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Debeda ee Dawlada Norway,
MR. ESPEN BARTH EIDE.

Kulanka Weftigan oo ahaa kii ugu horeeyey ee Noocisa ah oo ay Dawlada Norway  iyo Dawlada Somaliland wada yeeshaan waxa uu Madaxweynuhu Weftiga uga waramay Dadaalka ay Somaliland ugu jirto Qaran ku dhisan Dimuquraadiyad, cadaalad iyo Maamul wanaag.

Madaxwweynuhu waxa uu weftiga Warbixin mug leh ka siiyey sida ay Somaliland wax u qabsatay, Dhinacyada Dhaqaalaha, Nabad-gelyada iyo Dawlad-nimada, Madaxwweynuhu waxa kale oo uu Weftiga uga waramay sooyaalkii taariikheed ee somaliland iyo Sidii uu ku yimid midawgii hore ee somaliya iyo siduu ku burburayba.

Waxaanu sheegay Madaxweynuhu in ay Somaliland Beesha Caalamka Ka dalbanayso in la Aqoonsado oo ay ka mid noqoto Qaramada Caalamka, Isla markaana ay Buuxisay Shuruudihii oo Dhan.

Geesta kalena Madaxweynuhu waxa uu Weftiga si wayn uga mahad-naqay Niyad Samida ay Dawlada Norway u muujisay Somaliland iyo Booqashada ay ku yimadeen Dalka   Somaliland isaga oo Madaxweynuhu weftiga ku soo Dhaweeyey Dalka.

Wasiirku xigeenka Arrimaha Debeda ee Dalka Norway MR. ESPEN BARTH EIDE wuxuu Dawlada Somaliland ku amaanay Sida Qiimaha Badan ee ay uga Shaqeeyeen Horumarka Dalka iyo Dimuquraadiyada   isaga oo si gaara ugu Amaanay  Bulshada Reer Somaliland Doorashadii Madaxtooyada ee ay ku muujiyeen Midnimadooda iyo sida ay ugu bisil yihiin in la Aqoonsado oo ay ka mid noqdaan Dawladaha Caalamka ka jira ee la aqoonsan yahay,  taas  oo uu sheegay inay ka Norway ahaan Fiiro gaara u lahaayeen tadawarkii ay soo martay  Somaliland ee Dhinacyada Dimuquraadiyada iyo dib u dhiska Dalka.

Wuxuu ku Nuuxnuuxsaday Wasiirku xigeenku  sida ay Somalialnd uga Shaqaysay nabad gelyada ka jirta dalkeeda taasi oo uu tilmaamay inay deris latahay xasilooni daro ka jirta Somaliya

Wasiirku Xigeenku waxa uu ka hadlay inay bulshada Caalamku isha ku hayso Budhcad badeeda isaga oo Somaliland-na ku amaanay Doorka ay ka Qaadato Budhcad badeeda kuna Dhiiri geliyey inay halkaa ka sii wado Dedaalkeeda.

Ugu Danbayn Wasiir ku xigeenku waxa uu sheegay inay Dawadaa Norway Soo Dhawaynayso Horumarka ka socda Dawlada Somaliland isla markaana kor u qaadi doonto Xidhiidhka iyo kalmada ay ka gaysanayso Dhicineeda

Dhinaca Xukuumada Somaliland waxa Madaxweynaha kulanka ku Wehelinaayey Wasiirka Duulista iyo Hawlada, Wasiirka Qarshaynta Qaranka, Wasiirka Warfaafinta iyo  Wasiirka Macdanta iyo Tamarta,.

Dhinaca Weftiguna waxay ka koobnayeen.

1.         Espen Barth Eide
2.      Per Ludvig Magnus
3.      Kjell Harald Dalen
4.      Kjetil Elsebutangen
5.      Rina Kristmoen
6.      Geir A. Schei
Wefdiga ayaa duhurkii ka dhoofay gegida diyaaradaha ee Cigaal International airport.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *