Hargeysa Hargaysa(ANN) Dawlada Somaliland ayaa maanta Xidhay Wasiir ku-xigeenka Hawlaha Guud iyo Guryeynta ee Soomalia Cabdirashiid Maxamed Cali oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ayaa ku xidhan Madaarka Caalamiga ah ee  Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa. ka dib

 

markii laga qabtay Madarka isagoo diyaarad la socda, sidaana waxa shebekada Araweelonews ugu  xaqiijiyay telefoonka qaar ka mid ah saraakiisha Madaarka, kuwaas oo sheegay in lagu Xidhay Saldhiga Madaarka Hargeisa.
Mana jirto  ilaa hada wax wara oo ka soo baxay Xukuumada Somaliland oo la xidhiidha xadhiga masuulkaasi la xidhay, balse waxay wararku intaasi ku darayaan in Ninkan la xidhay oo hayb-ahaan ka soo jeedo Gobolka Togdheer.
Masuulkan  la Xidhay ee ka tirsan Dawlada Somaliya ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee ay Xukuumadda Siilaanyo Xidho tan iyo intii ay Xukunka Dalka la wareegtay,iyada oo hore ay Madnuuc uga ahaayeen Somaliland, Masuuliyiinta Xilalkja ka haya dawalada Somaliya inay dalka soo galaan iyaga oo aan wax cafis  ka haysan dawalada Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *