Hargeysa(ANN/BBC)Wasiirka dawladda Britain u qaabilsan arrimaha Africa Mr. Henry Bellingham ayaa ka waramay shirkii uu dhowaan ka qaybgalay Wasiirka arrimaha debeda Somaliland Dr Maxamed C/llaahi Cumar oo lagu qabtay  todobaadkii hore Wilton Park ee dalka UK, kaas oo

 

lagaga hadlayey mustaqbalka Somalia iyo sidii xal loogu heli lahaa mushkilada dunidu ku jaahwareertay ee Somalia.

Wasiirka Arrimaha Africa u qaabilsan Britain Henry Bellingham oo shirkaasi wasaarada arrimaha dibada ee dawladiisu soo qabanqaabisay wakiilna uga ahaa ayaa sheegay, in lagaga wada hadlay siddii mustaqbalka Somalia nabad loogu soo dabaali lahaa iyo waxyaalihii lagaga gudbi lahaa muddada gaaban ee u hadhay dawlada TFG ee Somalia, isagoo intaa ku daray in dawlada Somaliland ay doonayaan inay tusaale u noqoto Somalia inteeda kale.
Wasiirka Arrimaha Africa ee dalka Britain oo shalay Waraysi siiyay BBC-da laanta Afka Soomaaliga, ayaa sidoo kale sheegay in dawladiisa ay ka go’an tahay siddii Somalia nabad loogu soo dabaali lahaa, isagoo xusayna in aanay ogolayn in dawlada TFG haddii ay wax horumar ah ku talaabsan waydo muddada dhawrka bilood ee u hadhay in muddada loo cusboonaysiiyo.
Waraysigaasina iyo jawaabihii uu ka bixiyayna waxay Wasiirku waxa ay u dhaceen sidan:-
S: Maxaa ka soo baxay shirkaasi?
J-Shirkaasi wuxuu ahaa mid aad muhiim u ah, hadda aad ayaa loo fahmay, waxa loo baahan yahay in la qabto bilaha soo socda waa bilaha kooban ee ka hadhay.
S: Dadka Soomaaliyeed waxay ka warwarsanyihiin korodhsiimada saddexda sanno ee Baarlamaanka TFG, sided u aragtaan dawlada ahaan?
J-Waxay nala tahay inay ahayd wax qalad ah, in Baarlamaanka TFG kaligii korodhsado muddada waxay diraysaa fariin qaldan, waa inay muddada u hadhay ku soo daraan dad Soomaali ah oo ka soo kala jeeda Culam udiin iyo qurbo joog.
S: Xad Gudubyada ay ha’adda African Water ka soo saartay dawlada TFG-da iyo ciidamada AMISON ee Britain taageerto, mawqifkiina arinkaasi muxuu yahay?
J-Aad baanu uga walaacsanahay talaabo kasta oo dad lagu dilo, Al-Shabaab ayaa weerar ku haysa eedayn kasta oo ku saabsan xad gudub waa in la baadho.
S: Britain waxa la leeyahay waxay doonaysa inay horseed ka noqoto nabad raadinta Somalia, taa maxaa ka jira?

J: Anigu ma odhan karo Britain waxay doonaysa hogaaminta nabad raadinta Somalia, laakiin waxaan leenahay khibrad aanu iskugu keeno dad kala duwan, aqoon yaahano, dad khibrad leh iyo Qaramada Midoobay, dad Siyaasiyiin ah oo Soomaaliyeed, laakiin Britain waxay leedahay inay caawiso dadka Soomaaliyeed, waxaanu samayn doonaa wax kasta oo aanu awoodno si aanu Somalia nabad uga dhalino, Somalia waxay leedahay mustaqbalak fursad haddii la xaliyo dhibka imika jira, taas oo ah mida ay Britain doonayso, waxaanu doonayaa inaanu istcimaalno awoodayada, khibradyada, tasiilaadkayaga si aanu ugu kabno nabadaynta Somalia.

S: Diyaar ma u tihiin ilaa nabad laga gaadhayo Somalia in aad la daba joogtaan dadaalkaasi?
J – Haa su’aali kama taagna ilaa Mustaqbalka fog aanu la socon doono Somlia, bilaha soo socda waxa naga go’an in TFG ay muujiso horumar, haddaan qodobo  dhawr ah horumar laga samayn ma heli doonto dib u cusboonaysiin, waa in dad kale oo Soomaaaliyeed la soo dhaweeyaa, culima udiin, haween,qorba joog, qabaa’ilka, waxa kale oo aanu rabnaa, in Somaliland loo arko tusaale wanaagsan, dawlada Somaliland waxay samaysaa horumar wanaagsan, waxaanu doonaynaa inay tusaale wanaagsan u noqoto Somalia inteeda kale, aniga wanaag ayaa ii muuqda Mustqabalka Somalia. ayuu yidhi Henry Bellingham.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo todobadkii hore markii uu furmay shirkaasi ayaa idaacada VOA Laanta afsoomaliga ka sheegay, in shirkaasi uu u fadhiyo maqaamka ay wasiiradda arrimaha dibada ee dawladaha Itoobiya, Kenya iyo Ugandha ay ku fadhiyaan ay Somaliland kala mid ahayd.

Sidoo kale wuxuu sheegay  inay  dawlada Britain  ay dawlada Somaliland marti qaad rasmiya ugu fidisay kasoo qaybgalka shirkaa, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “ka qaybgalka shirkani wuxuu ku yimid marti qaad rasmiya oo ay dawlada Ingiriisku u soo dirtay dawlada Somaliland maadaama ay dawlada Ingiriisku soo qabanqaabisay shirkaa, Somaliland waxay halkan u fadhidaa sida wasiirada arrimaha dibada dawladaha Kenya, itoobiya iyo Ugandha ay uga soo qayb galeen shirkan, si ay fikir uga bixiso arrimaha Somalia ka taagan sidii loo furdaamin lahaa”.  

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *