Berbera(ANN)Wefdi ka socda dalka Sucuudiga ayaa markii u horaysay booqasho ku yimi Somaliland, wefdigaa  oo ka kooban sadex xubnood oo laba ka mid ahi u dhasheen dalka Sucuudiga, halka ninka sadexaadna u dhashay dalka Korea ayaa shalay kasoo degey garoonka caalamiga ah ee

magaalada Berbera.
Wasiiradda Macdanta iyo Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale iyo wasiirka Beeraha Faarax Maxamuud Geedoolle, ayaa madaarka Berbera ku soo dhaweeyey wefti ka socday dalka Sucuudiga.
Wasiirka macdanta oo warbaahinta kula hadlay qoflka nasashada ee madaarka Berbera, ayaa sheegay in wefdigan Sucuudigu ay u socdaan sidii ay mashaariic maalgashi ay uga samayn lahaayeen dalka Somaliland, gaar ahaan Dekeda, Wersheda sibidhka, Haamaha shidaalka iyo mashaariic kale. Wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi “Saddexdan xubnood waxay dalka u yimaadaan mashaariic maal gashi ayay u socdaan, waan soo dhaweynaynaa walaalahayaga reer Sucuudi Carabiya.”
“Halkan intaan joogno Berbera mashaariic badan oo ku saabsan maalgashi oo ay ka mid tahay dekeda, haamaha, shidaalka iyo wershada sibidhka ayaanu tusaynaa,”ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in weftigani muddo sadex maalmood ah ay darsi doonaan Ganacsiga iyo meelaha u baahan maalgashiga.
Wasiirka beeraha ee Somaliland Md. Faarax Cilmi Geedoole ayaa isna sheegay in weftigan ay si weyn dalka ugu soo dhawaynayaan waxaanu tilmaamay in xukuumad ahaan diyaar u yihiin in dhinacooda ugu soo bandhigi lahaayeen mashaariic maalgashi oo dhinaca beeraha ah, waxaana uu yidhi “Khayraadka aadka u badan ee dalkeena dawladu ma hayso hadda awood ay ku soo saarto kagana faa’iidaysato khayraadkaa markaa aad iyo aad ayaan u soo dhawaynaa walaalaheena Sucuudiyiinta waana dadka inoogu dhow maanta marka aad ka eegto Islaamka, xidhiidhkii hore ee Islaamka, walaalnimo ee inoo dhaxayn jiray aad iyo aad ayaan u soo dhaweynaynaa.”
Dhinaca kale dalka Sucuudiga iyo nin u dhashay dalka Kuuriya, waxaana la sheegay in xubno ka tirsan weftigoodu ay dalka kusoo fool leeyihiin maalmaha soo socda, isla markaana xubnahani ay hordhac u yihiin wefdigooda.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *