Hargeysa(ANN) Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud ayaa xilkii ka qaaday janankii Ciidanka Qaranka Somaliland Ge, Nuux Taani. Kadib markii lagu eedeeyay dhacdooyinkii dilalka ee dhowaan ka dhacay galbeedka Somaliland. Xilka qaadista Nuux Taani

ayaan weli si rasmi ah madaxtooyadu ugu faafin saxaafada, balse  ilo wareedyo  shebekada wararka Araweelonews ka heshay saraakiil dhinaca Milateriga iyo meelo kale oo xukuumadda ka tirsan ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo xilkii ka qaaday Janankii Ciidanka Qaranka Somlailand Nuux Taani , isla markaana xilkaa u magcaabay Col, Maxamed Xasan Jidhif oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii Ururka SNM ee dalka xoreeyay.

Dhinaca kale war saxaafadeed xili danbe kasoo baxay madaxtooyada oo uu ku saxeexanyahay Af-hayeenka madaxtooyada  Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa ka sokow Taliyaha ciidanka qaranka waxa la magcaabay saraakiil kale oo dhinaca hogaanada ciidanka ah. qoraalkaa ayaa  u qornaa sidan:

“Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Digreeto Madaxweyne Xilalkii kaga Qaaday Taliyihii hore Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hogaanka Hawl-gelinta Ciidanka Qaranka, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu xilalkaa u magacaabay Taliye Cusub iyo Hogaan.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo in la dardar geliyo hawlaha Ciidanka Qaranka;

Markuu Tixgeliyey: La tashiga Madaxda ay Arrintani khusayso;

Markuu Arkay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday;

In uu xilalkii ka qaado Taliyihii hore ee Ciidamada Nuux Ismaaciil Taani, iyo Hogaanka Hawl-gelinta Ciidanka Qaranka JSL, Xasan Cabdi Yuusuf (Xasan Keyse)

Waxaanu uga mahad naqay mudadii ay xilalkan u soo hayeen, hawshii ay qaranka u soo qabteen.

Sidoo kale Madaxweynuhu isaga oo sunaha Dawladnimo fulinaya waxa uu magacaabay Taliyaha Cusub ee Ciidanka Qaranka JSL oo laga bilaabo maanta noqonaaya Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif)

Sidaa si la mida waxa uu Madaxweynuhu xilkii ka qaaday hogaankii Hawl-gelinta ee ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Xasan Cabdi Yuusuf (Xasan Kayse)

Waxaanu magacaabay Hogaanka Cusub ee Hawl-gelinta Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale)

Madaxweynuhu waxa uu Digreetadan ku Amray Wasiirka Gaashaandhiga iyo La-taliyaha Arrimaha Gaashaandhiga ee Madaxweynaha in ay Saraakiishaa Xilalka ugu kala wareejiyaan Sida ugu dhakhsaha badan.” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay madaxtooyada.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *