Taleex(ANN)Dagaal gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa shalay ka dhacay duleedka magaalada Taleex ee gobolka Sool oo dhinaca bari ka xigta, halkaas oo qiyaastii  180km u jirta magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Dagaalkaa ayaa
waraka la xidhiidhaa sheegeen inuu u dhexeeyay laba dhinac oo dadka deegaanka ah, balse kala tirsan dawlada Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland, dagaalka ayaa dhacay ka dib markii xubno ka mid ahaa weftigii Somaliland ee dhawaan maamulka Puntland afduubka ugu gaysteen deegaankaasi oo jooga magaalada Taleex ay jidka u galeen masuuliyiin ka socday madaxtooyada Puntland kuwaasi oo watay baabuur tikniko ah una soo jeeday magaalada Taleex.
Xubnahan ka midka ahaa weftigii Somaliland ee dhawaan maamulka Puntland ay ka afduubeen deegaankaasi ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen nimankaa ka yimid dhinaca Garoowe, waxaana la sheegay in ay iyagna rsaas ugu jawaabeen, waxaanay wararku sheegayaan in halkaasi ay ku dhinteen laba nin saddex kalena ay ku dhaawacmeen qolada ka socotay dhinaca Puntland, labada nin ee dhintay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa Jaamac Cali shirre oo ay walaalo yihiin madaxwayne ku xigeenka Puntland, halka saddexda dhaawacmayna uu ku jiray weriye lagu magacaabo Quule oo ka tirsan xafiiska madaxwaynaha Puntland. Waxa kale oo ay waraku sheegayaan in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen laba nin oo ka mid ahaa qolada weerarka jid gooyada ah sameeyay.
Labadan qolo ee uu shalay dagaalku ku dhexmaray duleedka bari ee magaalada Taleex oo ka wada tirsan dadka deegaanka Taleex, laakiin kala tirsan Dawlada Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland, waxaana la sheegay in arrintani daba socoto afduubkii iyo weerarkii dhawaan maamulka goboleedka Puntland ay deegaankaa ugu gaysteen weftigii ka socday Somaliland ee uu hogaaminayay xildhibaan Saleebaan Cali Koore, iyada oo xubno ka mid ahaa weftigaasi ka tirsanaa Somaliland oo ay qabteen maamulka Puntland ay geeyeen Garoowe ka dibna ay xukuno kala duwan ku rideen, balse dhowaan lagu sii daayay cafis.
Wararkii ugu danbeeyay ee aanu ka helnay magaalada Taleex ayaa sheegaya in xaalada magaaladu ay haatan degantahay isla markaana ay labada dhinac kala dhex galeen odaal ka tirsan kuwa deegaanka taleex.
Magaalada Taleex ayaa beryahan danbe waxaa joogay Salaadiin, Odayaal iyo wax garad tiro badan kuwaasi oo ku hawlan qaban qaabada shirka dadka Deegaanka  oo lagu magcaabo Khaatumo 2, oo lagu wado in uu dhawaan ka furmo magaalada Taleex.
Maamul goboleedka Puntland ayaa la sheegay in ay arrinta weerarkani ku eedaynayaan siyaasiyiin ka mid ah kuwa deegaanka oo uu ka mid yahay Cali Khaliif Galaydh oo isagu taageersan qabsoomida wejiga labaad ee shirka laga wado halkaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *