Hargeysa(ANN)Wefti kasocday safaaradda Ingiriiska ee Addis ababa oo uu Hogaaminayay Mr.  Matt Woods oo ah xog-hayaha labaad ee safaaradaa Britain ayaa maanta booqasho ku yimi magaaladda Hargeysa. Weftiga Britain oo ka kooban Afar xubnood, ayaan si cad loo ogayn ujeedada

 

rasmiga ah ee Socdaalkooda, balse xubnaha wefdiga Britain oo booqasho gaaban ku yimi Somaliland, ayaa booqday  Xabsiga Dhexe ee Hargeysa.
Wararka qaar ayaa sheegaya inay booshada Wefdiga Britain ku tageen xabsiga dhexe la xidhiidho qaar ka mid ah maxaabiista ku xidhan halkaala. Sida Agaasimihii Guud ee Dib U dejinta Axmed Cilmi Yare  iyo La-taliyihii Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cismaan Siciid Jaamac oo dhawaan  xukuumadda Somaliland isugu dartay xil ka qaadis iyo in xabsiga loo taxaabo labadaa Nin iyo Badhasaabkii hore ee Madaarid-Jeex, kuwaas oo lagu eedeeyay inay sameeyeen musuq-maasuq RaashinMucaawimo  ahaa oo ay Dawladda Cumaan ugu deeqday dadka Jilicdasan ee Somaliland, kaas oo sida ay xukuumaddu sheegtay la musuq-maasuqay.
Labada Nin ayaa la sheegay inay haysteen dhalashada Birithis-ka oo ay mudo dheer deganaayeen, balse warar kale ayaa sheegaya in booqashada Saraakiisha Britain ee ka socday Safaarada Addis Ababa ay xabsiga ugu tageen Boqor Cismaan Buur-madaw oo xukuumaddu xabsiga u taxaabay 15 March 2012, kadib markii uu kasoo laabtay safar uu kaga maqnaa dalka mudo sanad iyo dheeraad ah, iyadoo aan si cad loo ogayn asbaabaha xadhigiisa, marka laga yimaado in xukuumaddu u qabtay dhaliil uu dhinaca warbaahinta u marinayay mudooyinkii u danbeeyay oo uu u xidhan yahay fekerkiisa iyo rayigiisa oo keliya, isla markaana mudo laba todobaad ka baddan aan wax denbi ah lagaga soo oogin maxkamad horteed.
Hase yeeshee waxa jira warar kale oo sheegaya in Safaarada Britain ee Adis-abab wefdiga ka socdaa xabsiga u tageen maxaabiis laga keenay dalka Seychelles, kuwaas oo xukuumadda Somalialnd la  wareegtay 28 March. Kadib markii Diyaarad lagaga soo qaaday dalkaa ay kasoo dejisay Hargeysa.
Tiradii u horaysay oo ah 9 qof oo ka mid ah 19 xubnood budhcad-badeeda soomaali ah oo lagu xidhayo xabsiyadda magaaladda Hargeysa, ayaa loosoo gacangeliyay Xukuumadda Somalialnd, kuwaas  oo laga keenay dalka Seychelles. Kadib markii  ay maxkamaddaha Seychelles ku rideen xukuno u dhexeeyey 10 sanno ilaa 24 sanno sannadihii 2010-2011.
Si kastaba ha ahaatee xukuumadda Somaliland, ayaan ka hadal booqashada saraakiishaa safaarada Britain ku leedahay Addis-abba iyo ujeedada socdaalkooda iyo booqashadooda toona.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *