Boorama(ANN)Badhasaab Ku xigeenka Gobolka Salal Cali Allaale Riyaalle ayaa sheegay inay xalay cawayskii ku qabteen magaaladda Saylac ee xarunta Gobolka Salal 55 qof oo tahriibeyaal ah kuwaas  oo doonayay inay sifo sharci darro ah uga tahriibaan Biyaha xeebta Saylac. Kooxda tahriibayaasha

lagu qabtay deegaanka  xeebaha galbeed ee Somalialnd, ayaa noqonaya taridii labaad ee intaa lee goo ah  tahriibayaal sidan oo kale loogu qabto xeebaha galbeedka wax ka yar todobaad.
Badhasaab ku xigeenka oo u waramayay Saxaafaddu wuxuu sheegay in tahriibeyaashaasi ay iskugu jireen rag iyo dumar dhalinyaro ah. “Waxaanu xalay qabanay aasha-cado 55 tahriibe oo doonayay inay ka tahriibaan xeebta Saylac, tahriibeyaashaasi dhammaantoodba ah Oromo. Waxa lagu hayaa saldhiga Booliska degmadda Saylac,”ayuu yidhi Cali Allaale Riyaalle,
Badhasaab Ku xigeenka wuxuu sheegay inay wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Hay’addaha ammaanka kala tashanayaan sidii dadkaa  dib loogu celin lahaa dalkooda Ethiopia. Cali Allaale wuxuu sheegay inay talaabo adag ka qaadi doonaan cidii lagu qabto inay ka tahriibaan xeebta Gobolka Salal.

Dhinaca kale, Taliyaha Saldhiga Booliska Saylac Keyse Suudi Caraale ayaa sheegay in tahriibeyaashan sidan oo kale lagu qabtay shan maalmood ka hor  ay xaaladooda caafimaad fiican tahay, kuwaas oo Ciidanka  ilaaladda xeebaha Somaliland ee ku sugan xeebaha galbeedka ee dalka ay gacanta ku dhigay 25 march, iyagoo ka kooban  45 ruux oo isugu jiray 5 Soomaali ah iyo 40 Itoobiyaana oo tahriibayaal ah iyo 2 nin dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo iyagu ahaa gadhwadeenada dadkan tahriibinayay, kuwaas oo markii la qabtay ka hor qorshaynay inay ka dhoofaan  xeebta Buula Cado ee gobolka Salal.

Ciidanka Ilaaladda xeebaha Somaliland ayaa isla todobadkan  ku qabtay deegaanka Buulo-xareed oo 10 Km dhinaca galbeed ka xigta degmadd Lughaya Gobolka Awdal koox budhcad badeed ah iyo laashkii ay wateen.
Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaaladda Xeebaha Somalilnd Admiral Axmed Aw Cismaan, ayaa saxaafada u sheegay todobaadkan inay  gacanta ku dhigeen Afar nin oo budhcad badeed ah iyo laashkii ay wateen, kuwaas oo sida uu sheegay ay ka yimi  Magaaladda Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland, isla markaana u socday sidii ay Biyaha Somaliland uga Afduubi lahaayeen Maraakiibta halkaa mara, balse waxa  uu xusay in ciidanka xeebuhu ay mar walba heegan culus kaga jiraan baddaha Somaliland, isagoo xusay inay nimankan budhcad badeeda ah la geyn doono xabsiga Hargeysa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *