Hargeysa(ANN)Shirakadda Isgaadhsiinta TELESOM, ayaa soo bandhigtay qiime dhimistii u weynayd ee ay u samayso macaamiisheeda. Iyadoo qiime  Telefoonadda gudaha iyo dibadaba. dhimista lagu sameysay

Sidaana  waxa shaaca ka qaaday Madaxa Horumarinta Ganacsiga (Business Development Division) Cabdisalaan Ismaaciil Nuur oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee shirkadda TELESOM, wuxuuna ka waramay qiime dhimista  ay sameeyeen.
Madaxa Horumarinta  Ganacsiga Telesom , ayaa halkaa  ka akhriyay war-saxaafadeed dheer oo uu ku sharaxay qiimaha sida weyn loo dhimay ee Telefoonada debeda iyo gudahaba.

Qoraalkaa ayaa u dhignaa sidan:-  “Shirkadda Telesom waxay ku caanbaxday “hal-abuurnimo” iyo in ay ku horrayso wakhti kastaba sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa adeegyo casri ah, oo kabaya horumarka noloshooda. Telesom waa shirkaddii ugu horreysay ee dalka keenta adeegga caanka ah ee ZAAD, oo macaamiishayada u suurtogeliyay in ay macaamalaadka lacageed ku isticmaalaan moobilkooda. Waxa kale oo ay shirkadda Telesom ku suntan tahay in ay tahay shirkaddii ugu horreysay ee dalka keenta adeegga Moobilka, Internetka, 3G-ga, GPRS-ka, Adeegga ILA-MAQAL (Codka soo dhicista mobile-ka) Adeegyada AQOON-MAAL oo ka kooban warar (news), qaamuus isugu turjumaya Somali/English, Wikipedia, iyo macluumaad badan oo faa’iido u leh bulshadda.


Intaa ka dib, waxa maanta farxad weyn noo ah in aanu ku dhawaaqno QIIMO-DHIMIS BALLAADHAN oo aanu ku samaynay adeegyada Telesom, gaar ahaan adeegga Prepaid-ka ee Mobile-ka, kadib markii aanu daraasanay duruufaha dhaqaale ee dalka ka taagan iyo daryeelida macaamiishayada qaaliga ah.
Qiimo-dhimista aanu samaynay waxa ay ka kooban tahay sadex qaybood oo kala ah Gudaha, Dibada iyo National-ka:
1. Waxa aanu hoos u dhignay qiimaha lagula hadlo layn-ka wadamadda dibadda (International), gaar ahaan wadamada hoos ku qoran oo aanu $1 ka dhignay 15-kii daqiiqo, halkii uu ka ahaan jiray 3.3 daqiiqo. Taas oo u dhiganta in aanu jabinay 350% (sadex jeer iyo badh ) kana dhigaysa Telesom Shirkadda Geeska Africa ugu jaban qiimaha lagula hadlo dibadda.
UK, Canada, Malaysia, China, USA, Sweden, Denmark, Holland, Norway, Belgium, France, Germany, Thailand, Turkey, Russia, New Zealand, Italy, Switzerland, Australia, India, South Africa, Ireland.
2. Sidoo kale waxa aanu qiimaha lagula hadlo $1 Mobile-ka iyo layn-ka wadamadan hoose ka dhignay 15 daqiiqo:
Canada, Malaysia, China, USA, Thailand
3. Qiimaha lagula hadlo $1 Mobile-ka wadamadan hoose waxaanu ka dhignay 5 daqiiqo:
UK, Sweden, Turkey, Russia.
4. Dhinaca wadama jaarka aynu nahay gaar ahaan Soomaliya iyo Puntland, 100% ayaanu hoos u dhignay qiimaha lagula hadlo $1 waxa aanu ka dhignay 20 daqiiqo.
DALKA GUDIHIISA:
Dalka Gudihiisa waxa aanu maanta laga bilaabo $1 ka dhignay 200 daqiiqo, laga bilaabo saacadaha 10-ka fiidnimo ilaa 6-da arroornimo. Arrintaasi waxa ay fursad gaar ah u noqonaysaa bahda warbaahinta, Dhallinyaradda iy guud ahaan bulshaddaba.” Ayuu yidhi.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *